Ururka ONLFoo shir uga furmay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea

Ururuka ONLF gudigiisa Golaha Dhexe ayaa waxaa kulan xaas-xaasi ah uga furmey dalka Eritrea. Kulankan oo Furmaya bishan June 26, 2018 ayaa waxaa la filayaa in lagu doorto Gudoomiye cusub, inkasta oo dadka qaar shegayaan in ay ka biyo diidanyihiin in doorasho xiligan xaadirka ah la qabto maadaama Itoobiya uu ka socdo isbedel maalin leh oo saameyn ku yeelanaya Siyaasada Geesks Afrika. Ma cada qaabbka ay doorashadu u dhici doonto iyo cida ku loolamaysa toona. Gudoomiyaha xiligan Xaadirka ah Admiral Moxamed Cumar Cismaan ayaa la doortey badhatamaha sanadkii 1998.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ururku qabanqaabinayo shirar wadatashi ah oo ku abaabulayaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee degta Ogadeniya. Ujeedada qorsha abaabulkan ayaa ah mid la doonayo in lagu mideeyo cududa iyo codka Soomaalida, si aanan loga faa’ideysan tafaraaruqa Soomaalida.

 




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!