Tog Wajaale oo 15 qof xalay guryahooda lagala baxay

Tog Wajaale oo 15 qof xalay guryahooda lagala baxay

Wararka Ogaden Online ka soo gaaraya magaalada Tog Wajaale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo ma;eehsiyada Liyu ay xalay saq barkii dsd badan guryahooda kala baxeen. Sida warku sheegayo tirade dadkaas ayaa lagu sheegay ugu yaraan 15 qof.

Dadka guryahooda laga qafaashey ayaa waxaa ku jira odey dhaqameed lagu magacaabo Suldaan Xaaji Muuse Cali.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar ka mid ah dadkaas jir dil xun loo geystey xiligii guryahooda laga sooo qafaashey, waxayna goob joogayaal badan xaqiijiyeen in 8 ka mid ah dadka lala tagey dhaawacyo halis ah la gaarsiyey. Lama oga meel dadkaas loo qaadey oo ay xiligan xaadirka ah ku xiran yihiin.

Xaalada Gbolada dalka ayaa tdobaadyadan kacsan, waxayna ciidamada Itoobiya oo garabsanaya kooxda Liyu wadaan xasuuq baahsan oo ka dhan ah shacabka ku nool Ogadeniya




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!