Febraayo: Bil Xusuus Mudan.

Febraayo: Bil Xusuus Mudan.

Bisha febraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya. Bishan gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya baal muhiim ah ka galay. Maalmahaas qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.

Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas.

08 Febraayo, 2019, Kadib markii ONLF iyo dawaldda Itoobiya heshiis nabadeed qalinka ku duugeen, Waxaa la mideeyey Ciidamada ONLF iyo kuwa deegaanka Soomaalida. Heshiiskan oo soo afjarey in Ciidamo ONLF ah oo gaar ah ayna deegaanka ka jiri doonin.

01 Febraayo, 1994 waxay ciidamada dawlada Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacb ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane

06 Febraayo, 1994 waxay sidoo kale Ciidamada Itoobiya magaalada Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Mudane Abdullahi ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay dawladda Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda ah in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.

07 Febraayo, 1994 waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.

12 Febraayo, 1994 waxay ciidamada dawladda Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Nafti-hure Maxamed Cumar Tube iyo Nafti-hure Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda, kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

15 Febraayo, 1994, waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadenya. Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya, waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin. Go’aanka baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doorteen, kalsoonina ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale, go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadenya.

17 Febraayo, 1994 waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go,aankii Barlamanbka. isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar

Isla Badhtamihii Febraayo, 1994, ururkii ONLF, Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka, kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Itoobiya iyo Ogaadenya.

22 Febraayo, 1994, waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo kale, waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO mudane Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba. Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii. waxayna shacbigii ree Wardheer waxay maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus, waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin xusuus farxadeed iyo murugo labadaba. Waa marka hore, waxay huwan yihiin murugo, marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha ree Wardheer iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre iyo waliba burburkii dhismayaashii magaalada. Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan, marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, u qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya, u difaaceen madaxdii iyo magacii umadda. Waxay noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana gashay sidii dadwaynaha ree Wardheer oo aan haysan hun u dhigma kuwii ay wateen ciidamada itoobiya ay u difaaceen magaalada iyo madaxdii shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas, ayna mudanyihiin in loo murugoodo, haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan, geesinimada iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.

Bisha Febraayo taariikhaas ayay kulmisaa, waxayna shacbiga ree Ogaadenya ku xusaan bishaan hab murugo iyo farxad labadaba leh, waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadenya.

Mahadi haka gaarto Abdulahi Ugaas Mohamed Qani ayaa qoraalkan intiisa badan isku soo duba ridey oo Feb 2004

Ogaden Online
Ogaden@gmail.com




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!