Dibad bax looga soo hor jeedo Ceelka Shidalka oo ka dhacey Shilaabo

Dibad bax looga soo hor jeedo Ceelka Shidalka oo ka dhacey Shilaabo

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in Shaqaalaha shirkada Shiiinaha ee Poly-GCL Petroleum oo ay weheliyaan Ciidamada Itoobiya iyo Cabdi Iley ay shacabka magaalada shir u qabteen si ay warbixin uga siiyaan Ceelasha shidaalka ee ku yaala Jeexdin.

Shacabka magalaada ayaa muujiyey sida ay uga soo horjeedaan in  khayradkooda la gurto iyada oo aan wax ogo.laasho ah laga haysan iyga. Ciidamada Liyuga oo wehliyey kuwa Itoobiya ayaa rasaas ku furey dadkii, kaidbna wxaa halkas ku dhintey Wiil dhalinyaro ah oo aanaan hada magacaiisa helin. Kadib dadkii shacabka ahaa ayaa dagaal dhagaxtuur ah ku qaadey Shaqaalihii Shiinaha iyo iyo Dhaqar qabe Cabdi Iley. Sida warku sheegayo Ina Iley ayaa loola baxsadey magaalada Haar Cad oo 2 saac u jireta Shilaabo, halkaas oo uu caawa u hoyday.

Shalay ayey ahayd markii ay Shirkada Shiinaha ooo ay Ilaalinayaan Ciidamada Itoobiya daaha ka qaadey Shidaalka ceelsha Elele ee Gobolka Shabeele.  Warar horudhac ah ayaa  sheegaya in Magalaada Godey ay bando ku jirtey seddedxdii maalmood ee la soo dhaafey, iyada oo laga cabsi qabo in dadku kacdoon muujiyaan.




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!