Ciidamada Itoobiya oo dagaal ku bilaabey Liyu Police

Wararka naga soo gaadhayaa Magaalaada Birqod ee Gobolka Jarar ayaa sheegaya in Ciidmo ka socda dawlada Itobiya ay wareer ku qaadeen saldhiga Liyu-ga ee ku yaalada magaalada Birqod, halkaas oo ay ka soo xireen Taliyaihiia magaalada Birqod oo lagu magacaaabo Fanax Deeq oo ay qaraabo dhow yihiin Dhagar qabe Cabdi Iley, ku xigeenkiisii iyo kii sirdoonka.

Warku wuxuu intas ku darayaa in seddexdaas nin si xun loo jir diley isla markaana direyskii askarta laga xayuubiyey, kadibna loo soo qaadey magaalada Dhagaxbuur. Amarka nimankan lagu xirey ayaa waxaa soo bixiyey taliyaha Cusub ee Ciidamada Itoobiya oo fadadhisgiisu yahay magaalada Jigiga oo u dhashey qoomiyada Oromada.

Waxaa kale oo la sheegayaa in shacabka  ku dhaqan magaalada Birqod ay shir u qabteen Ciidamada Itoobiya halkas oo ay ku siiyeen numbaro dadku soo wacaan hadii Liyu wax dhibaato ah u geystaan.




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!