Admiral Moxamed Cumar Cismaan oo mar kale loo doortey ONLF

Admiral Moxamed Cumar Cismaan oo mar kale loo doortey ONLF

Kalfadhigii 3aad ee Ururka ONLF ee ka socdey Mgaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa mar kale dib u doortey hogaamiyaha Ururka ONLF Admiral Moxamed Cumar Cismaan. Sida warku sheegayo Admiralka ayaa helay aqlabiyad buuxda in uu Ururka sii hogaamiyo. Admiral Moxamed Cumar Cismaan ayaa Ururka ONLF ayaa markii u horeysay loo doortey bishii August 1998.

Admiral Mohamed Omar Cismaan ayaa waxbarashadiisa Dugsiga Sare ku qaatey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Kadib wuxuu ku biirey Ciidamada qalabka sida ee Soomalaiya, waxa uu ka soo qalin Jabiyey Kuliyadda Dagaalka ee Dalka Masar, wuxuuna waxbarashadiisa xaga cidamada ku soo dhameystay wadankii la odan jirey Isutaga Midowga Soofiyeti.

Markii oo soo dhameystay waxbarashadiisii xaga Ciidamada wuxuu ku soo noqdey dalka Soomaaliya oo ka mid noqdey Golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwadagaa Soomaaliya. Admiral Moxamed Cmar Cismaan waxaa sanadihii 1970-yadii loo doortey Madaxa Siyaasada (Politbureau) ee xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee talada Dalka Soomaaliya hayey. Mudo dheer kadib waxaa waxaa madax looga dhigey Ciidamadii Badda Soomaaliyeed oo uu kaalin weyn ka qaatey dhismihii Ciidamadaas, halkaas oo uu madax ka ahaa ilaa burbur-kii Soomaaliya ee 1991.

Admiral Moxamed Cmar Cismaan ayaa ah shaqsiga kaliya ee Soomaaliyeed ee gaarey Darajada sare ee Admiral guud.




Recent Videos

Loading...




error: Content is protected !!