Waxaa xalay dil arxan darro ah loo geystay muwaadin Soomaaliyeed oo dunkaan ku lahaa tuulada lagu magacaabo Samoora ee hoostimaada magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa, iyadoo dilkani loo adeegsadey taraq iyo baasiin lagu gubay dukaankooda.Qowleysata madow oo Koonfur Afrika ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday dukaan uu lahaa ganacsadahan la dilay, iyagoo gaas iyo tara ku gubay dukaanka xili ay dhex jiifeen muwaadiniintani midi dhintay kan kalena dhaawaca yahay.
Kaoxaha dab damiska ayaa si aan dhaqsi ku jirin u soo gaaray goobta ganacsi ee lagu gubay muwadiniintan, iyagoo demiyay/baqtisiiyay dabkii lagu gubay dukaanka oo cirka isku sii shareerayay, waxaana laga soo saaray dukaanka labadii nin ee iska lahaa dukaanka oo uu midkood ku dhintay midka kalena dhaawac ba'an ka soo gaaray.
Booliska degmadaasi Samoora ayaa iyana gaaray goobta sida arxan darrada ah ee lagu gubay muwaadiniintaan oo sheegay inay baaritaano ku sameyn doonaan dadkii geystay falkani naxdinta leh ee huwan murugada.
Allaha u naxariistee marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabayay Ismaaciil Cabdi Ciid oo lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Cape Town, iyadoo kan kale ee dhaawaca soo gaarayna lagu magacaabo Salaad Maxamed Cali oo iminka lagu daweynayo cisbitaalka Tegaburg ee magaalada Cape Town.
Dilalka ka dhaca dalka Koonfur Afrika ayaa u badan muwaadininta Soomaalida ee aan waxba galabsan la weeraro iyagoo ku sugan goobahooda ganacsi, iyadoo booliska wadanka Koonfur Afrika aaney dib u raacin kiiskooda amaba maxkamad soo taagin dadkii ka dambeeyay.
Dilalkaani loo geystay muwaadiniintan Soomaalida ayaa imaaneysa xili dhowaan tuulada Yanga lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toori
ay ku dhufteen kooxo tuugo ah oo doonayay inay dhac u geystaan dukaankisa.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








