1da Juulaay sanadkii 1960dii waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh umadda Somaliyeed iyadoo la xaqiijiyay dareenkii rabitaanka wada noolaashaha umadda Somaliyeed ka dib markii dhidibadda loo aasay Jamhuuriyad kulmisay dhamaan umadda somaliyeed.
1da Julaay 1960 waxaa midoobay laba ka mid ah shantii loo qaybiyay umadda Somaliyeed ee ka midaysan taariikhda, dhaqanka, afka iyo diintaba. Aragtidii iyo ruuxdii Somalinimo ee dhamaan umadda Somaliyeed ay dareensanaayeen waxaa dhidibada loogu aasay Qaran Somaliyeed oo noqday mid ka mid ah wadamada ugu xooga badan Afrika.
Umadda Somaliyeed markay hanteen 1dii Luulyo 1960kii xoriyadii iyo midnimo, waxay sii wadeen aamninaadii iyo balantii ahayd in dhamaan shacabka Somaliyeed eek u hadhay gumaysiga loo ogolaado xaqqa aaya-ka-tashigiisa, waxayna la garab istaageen taageero buuxda walaalahooda ku hadhay gumaysiga Itobiya.
Xoriyad jeceylka inay tahay shayga ugu qaalisan umadda Somaliyeed weli ma garwaaqsan gumaysiga Itobiya. Arintaa ayaana sabab u ahayd in Itobiya lagu jabiyo oy ku guuldaraysato markay gudaha u soo gashay dalka Somaliya.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay aaminsan-tahay in qaranimada Somaliya aanay ahayn shay gorgortan gali kara, xoog kastoo isku daya inuu dibadda uga soo duulo umadda Somaliyeedna uu la kulmi doono dhibaatadii ay la kulmeen gumaysiga Itobiya .
Jabhadda ONLF shaki kagama jiro inay Somaliya oo qaran xoogan ah dib u soo noqon iyo heerkii hormuud-nimo ee Afrika ay Jamhuuriyadda Somaliya mar labaad ku soo noqono.
Soomaaliyay Toosoo Toosoo isku tiirsadayee!
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment







