Shir lagu eegayay xaalada guud ee xuquuqil insaanka dowlaga gumeysatada itoobiya ee shalay ka furmay xarunta Qaramada Midoobay (QM) ee Geneva ayaa maanta la soo gaba gabeeyay. Shirkan oo daba socday kuwa horey loogu qiimeeynayay itoobiya ayey sidii caadada ahayd la soo shir tageen beenteedii.
Warqad uu meesha ka aqriyay madaxa wafdiga gumeeysiga itoobiya ayuu ku sheegay in wax dhib ah uusan ka jirin wadankooda leeyihiina dastuur iyo shuruuc. Qaar ka mid ah gudigii qiimeeynayay ayaa u sheegay in itoobiya leedahay dastuur qurux badan laakiinse aanay jirin wax ku dhaqan ah is la markaana shacabka aanay heeysin xornimada aasaasiga ah wadankana u taliyaan koox tiro yar oo inta kale xoog ku muquuniya.
Qabashadii iyo xariga sharci darada ah ee loogeeystay labadii wariye ee Swedishka ayaa tusaale ugu filin in itoobiya guud ahaan gaar ahaana Ogadeenya aanay ka jirin madaxbanaani nooceey ahaataba.Wafdiga gumeeysiga itoobiya oo la weeydiiyay su’aalo ku saabsan sababta wariyayaalka caalamka loogu diidan yahay Ogaadeenya ayaa ku guul dareeystay in ey ka jawaab bixiyaan. Mar la weeydiiyay in sharci ku sheegoodu sheegayo in qofna aanan xabsi lagu heeyn karin in ka badan 48 saacadood xariga wariyayaala Swidishkana uu marayo in ka badan 15 maalmood ayeey mar labaad wuxuu madaxa gumeeysiga ku calaacalay in uusan wax jawaab ah bixin karin heeynina wax sharaxaad ah.
Waxa ku dhacay labada wariye ee Swidishka waxey muujineeysaa in systemka aad sheeganaaysaan uu yahay kaliya sheegasho waafaqsaneena shuruucda caalamka ayuu ku jawaabay xubin gudiga ka mid ah.
Waxaan arkay shalay ka soo horjeedka xaruntan Qaramada Midoobay (QNM) banaanbax dad ku cabanayaan (Soomaalida Ogaadeenya) dadkoodii oo la laayay ama la layahay ayuu shirka ka yiri qabiir madax banaan.
Dhib badan ayaa Ogaadeenya ka jira ICRC waad u diideeyn. Shirkii Universal Periodic Review (UPR) ee sanadkii hore waxaad diideeyn in baaritaano caalamia ah lagu sameeyo gabood falada shacabka Ogaadeen laga galay iyo in aad gobalka dunida u furtaan, waxaan idinkaga baahanahay sababta aad u diideeyn waxyaabahan aasaasiga ah ayeey weeydiisay haweeneey gudiga ka mid ah. Gambella sidoo kale wax faahfaahin oo dheer meeydaan ka bixin ayeey sii raacisay.
Sida ay ku sheegeen qoraalkiidoo gabagabada ahaa gudiga ka hortaga jirdilka (Committee Against Torture) sanadkii tagay, dadka looga shakiyo in ey taageersan yihiin ONLF iyo OLF si ula kac ah ayaa loo jirdilaa. Jirdilkuna dalkiina wuxuu ka yahay mid caadi ah oo lagula kaco cid walba oo loo arko mucaarad.
ICRC mar kale bilo ka hor ayaad u diideeyn in ey gobalka ka shaqeeyaan sababu maxey tahay. ICRC waxey hoos tageeysaa xaqa qofka uu u leeyahay in uu noolaado na siiya sababta heeyadaha ugu diideeyn in ey ka hoowl galaan Ogaadeenya.
Jawaab ku sheeg uu bixiyay mid wafdiga gumeeysiga ka mid ah ayuu markii ugu horeeysay qirtay in gobalka dagaalo ka jiraan ka dinba ku agwareegay hadalo maalaa yacni ah. Wariyayaalka Swidshka waxey fulin rabeen weerar argagaxiso waxeyna rabeen in ey burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha wadanka ayuu matalaha gumeeystaha goobta ka sheegay isagoo siiraaciyay in ICRC loo ogoleeyn Ogaadeenya maxaabiistana booqan karin mana sheegin sababta ay u diidayaan.
Jawaabaha wafdiga gumeeysiga itoobiya ayeey ka muuqatay dhaqan xumo iyo macangagnimo ixtiraamdaro wehliso. Gudiga qiimeeynayay itoobiya ayaa halkaa ka dhadhansanayay wajiga dhabta ah ee dawlad ku sheegta itoobiya iyagoo ku celcelinayay su’aalihii Ogadeenya quseeyay nasiibdarase kuwa jawaabta laga rabo yihiin kuwo dhaqan iyo asal u leh in nolosha aadanaha baaba’iyaan.
Xubnaha gudiga qiimeeynta qaarkood ayaa sheegay in recommendationada loo soo jeedin doono itoobiya ahaan doonaan kuwa ka mug adag su’aalaha ey diiday in ay ka jawaabto ama ficilada ey sida ula kaca ah kula kaceeyso shacabka.
Is ku soo wada duuboo shirkan itoobiya lagu qiimeeynayay ayaa u ahaa jab kale oo siyaasadeed oo soo gaaray iyada oo maanta heeyadaha caalamiga, ururada xuquuqul insaanka iyo heeyadaha caalamiga ahba itoobiya ka noqotay tuke canbaar leh tan oo goor dhow keeni doonta in dunida xorta ah go’aan cad ka qaadato itoobiya lagana difaaco shacabka.

written by BASHIR, July 13, 2011
written by ogadenia, July 13, 2011
written by juicy couture handbags, July 15, 2011
People often ask me if I know the secret of success, and if I could tell others how to make their dreams come true. My answer is, you do it by working.
written by GOBAN GERGO, July 24, 2011
written by louis vuitton outlet, August 24, 2011
written by moncler, October 04, 2011
The {{Moncler Women}} short coat look in exclusive styles and features. {{Moncler}}The short coat look with hoods as well which reflect a informal put on line. {{moncler coat}}In addition,{{moncler}} the straightforward portions to the Moncler short coat also can be to the existing market that is undoubtedly ideal for almost any informal day. {{
written by nike free, December 26, 2011
written by cheap jordan shoes, January 06, 2012








