
Shir lagu eegayay xaalada guud ee xuquuqil insaanka dowlaga gumeysatada itoobiya ee shalay ka furmay xarunta Qaramada Midoobay (QM) ee Geneva ayaa maanta la soo gaba gabeeyay. Shirkan oo daba socday kuwa horey loogu qiimeeynayay itoobiya ayey sidii caadada ahayd la soo shir tageen beenteedii.
Warqad uu meesha ka aqriyay madaxa wafdiga gumeeysiga itoobiya ayuu ku sheegay in wax dhib ah uusan ka jirin wadankooda leeyihiina dastuur iyo shuruuc. Qaar ka mid ah gudigii qiimeeynayay ayaa u sheegay in itoobiya leedahay dastuur qurux badan laakiinse aanay jirin wax ku dhaqan ah is la markaana shacabka aanay heeysin xornimada aasaasiga ah wadankana u taliyaan koox tiro yar oo inta kale xoog ku muquuniya.




