Taariikhdu markay aheyd 22/08/10, Waxaa kulan aad uqiimo badan iskugu yimid khadka conference call loo yaqaan gudiga fulinta Midowga Dhalinyarada &Ardayda Ogadenia (OYSU) waxaa kaloo marti u ahaa ahaa shirkan dhalinyarada Gudoomiye kuxigeenka1 ee JWXO ahna Hogaanka jaaliyaadka Halgame Maxamad Ismaaciil Cumar. Shirkan oo socday mudo dheer ayaa waxaa lagu dajinayay qaabkii hoowlaha dhalinyarta lookobcinlahaa loona xoojin lahaa wax qabadka guud ee ururka Midowga Dhalinyarta iyo Ardayda Ogadenya ee ( OYSU )
Shirkan ayaa waxay masuuliyiinta dhalinyarada isla meel dhigeen qaab-dhismeedkii iyo hoowl maalmeedkii ururku uuqaban lahaa si loo-xoojiyo tayada xubanaha ururka iyo kaadiriintiisaba. Shirkan ayaa waxaa la isla qorsheeyay sidii urur hoosaadyada ka dhisan qaaradaha caalamka loogu furi lahaa siminaaro iyo aqoon korodhsi ama aqoon isweydaarsi badan, si’ xubnuhu shaqadooda ay u gutaan isla markaana ula jaan qaadaan siyaasadaha dalalka ay joogaan si umadooda dulman wax ugu qabtaan ee wali ku hoos jirta gumaysiga tigreega.
Hadaba waxaa halkaas maamulka dhalinyarada kula hadlay Mudane M. Ismaciil Cumar, asagoo hogaamiyuhu si heer sara ah ula dardaarmay ma
amulka dhalinyarada una sheegay in dhalinyaradu ay yihiin quwadii iyo mustaqbalka shacabka Ogaadeenya. Gudoomiyuhu waxaa kaloo carabka u kudhuftay in dhalintu ka digtoonadaan hadiyo jeerba, surgumaha uu cadowgu mareegayo iyo wiliba wax kastoo dhaawici kara hormarka halgankeena iyo midnimada dhalinyarada ( OYSU)
Mudane Maxamed Ismaacil oo hadalka sii watay ayaa bogaadin usoojeediyay dhalinta da’da yar ee dalka Ogaadeenya meelay joogaanba iyo dadaalkooda ku waajahan iska dulqaadka gumeystaha umada iyo helitaanka xoriyad waarta oo gobanimo ku dheehantahay. Mudanuhu mar uu guubaabinayey maamulka sare ee (OYSU) ayuu sheegay dhalinyaradu iney yihiin madaxdii birito, loogana baahan yahay ineey noqdaan tusaale wanagsan oolagu daba deydo, loona baahanyahay in ey layimaadaan;Talo saarasho eebe,cadaaladd iyo run ku dhaqanka, karti,dacadnimo,Isu-dulqaad,Hufnaan,is-xurmayn iyo isqadarin,isku tiirsanaan,isaamin, walaaltinimo kusaleysan imaanka iyo xoriyad jaceel, iskaashi iyo kawadashaqeynta danta guud.
Kuwaaso Gudoomiyuhu, uu kutilmaamay ineey yihiin furihii liibaanta iyo guusha. Tilmaamahaas caksigoodana ay dhalintu ka fogaadaan (kun mile) sida;
Beenta iyo been abuurka, gaal u kalkaalnimada, dabo-marka, xinqooqa, abábáda,talo maroorsiga, anaaniyadda,fidmo hurinta,qaraabo kiilka iyo sunta halista ah ee qabyaalada.
Isku soo wada duuduubo, shirka maamulka sare ee dhalinta (OYSU) ayaa ahaa mid asagu ku soo gaba gaboobay jawi sare oo xiiso iyo rayrayn badani ka muuqato, isla markaana ay aheeyd markii oogu horeysay uu Gudoomiye Kuxigeenka1 ahna Hogaankaaga jaaliyaadka Muadane Maxamed Ismaacil Cumar uu shir laqaato gudiga fulinta ee Midowga dhalinyarada iyo ardayda somalida dalka Ogadenia ee (OYSU) tan iyo markii la aasaasay 27/06/10.
Shirka waxaa u dhanaa dhamaan gudiga fulinta ee OYSU oo kala jooga qaaradaha aduunka , USA, Canada , Pacific, Kenya , South Africa , UK , Denmark

written by dollar stores, August 26, 2010








