Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Laba qof oo shacab ah oo Xabsiga Addis Ababa laga sii daayey

Laba qof oo shacab ah oo Xabsiga Addis Ababa laga sii daayey

E-mail Print PDF
Wariyaha Ogaden Online ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in shalay Aug 09, 2010 xabsiyada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa iyo Zuway laga sii kala daayey labo muwaadin oo ree Ogadenya ah. Labadaas dhibane oo lagu kala magacaaabo Nuur Cabdi Cali iyo Maryan Macalin Cabdi ayaa shan bilood ka hor lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin ururka ONLF,halkaas oo laga qabtay magaalada Addis Ababa oo ay ganacsi ku lahaayeen iyaga iyo sadex muwaadin oo kale,waxaana lagu wada xukumay min 11 sano oo xadhig ah.
 
Labadan maxbuus ee lasoo daayey ayaa midna ku xidhnaa Addis-ababa halka midka kalana uu ku xidhnaa Zuway,labadaas jeel oo loo kala qaybiyey shantii maxbuus ee laga kala  wada qabtay Addis-Ababa.
 
Ehelada mid kamid ah labadaas qof ee lasoo daayey ayaa sheegay in tan iyo intii la qabtay dhibanayaashaas ay daba taagnaayeen Qareeno ka difaacayay inay xidhiidh la leeyihiin ururka lagu eedeeyey,waxayna intaasi ku dareen inay usbuucii hore fasaxday maxkamada gumaysiga itoobiya in labadaas dhibane ooda laga qaado kadib markuu Qareenkii kaga guulaystay dacwo beenaad lagu soo eedeeyey iyon makhraati beenaalayaal maxkamada la keenay.
 
Sadexda  maxbuus ee kale ayaa iyagana dacwoodu meel fiican maraysaa waxaana la rajaynayaa in iyagana ooda laga qaado kadib markii maxkamada dib loo furo,iyadoo ay maxkamadu hada xidhan tahay.
 
Guulaysiga qareenada ayaa haday sii socoto gabaabsi ka dhigi doonta marmarsiiyo iyo beeno badan oo dadka shacabka ah ay isaga xidhaan gumaysiga iyo kalkaaliyaashiisu.
Comments (2)Add Comment
0
Riwaayada ha la matalina Tigreega
written by Mustaf, August 15, 2010
Ogaden online maxaa idinku dhacay? Ma itoobiyaa qareen wax ka qaadaa maxkamad? Riwaayadan la rabo in Ethiopia loo yeelo waji meel sharci ka shaqeeyo oo qareen la qabsan karo ha la jilinna idinkoon garanayn.
0
...
written by dollar stores, August 26, 2010
what is your title mean?

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 87 guests online