Waxaa maalintii Axadda ee bisha August 8, 2010 shir si heer sare ah soo qaban qaabiyey Jaaliyadda Soomaalida Ogadeniya ee magaalada San Diego. Shirkan oo ay isugu yimaadeen dhamaan Soomaalida Ogadenia iyo Soomaali waynba ayaa ahaa mid lagu taageerayey halkanka xaqa ah ee ka socda Ogadenia. Kaasoo ay hormuud u tahay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia oo uu gudoomiye uyahay Mudane Admiral Mohamed Omar Osman. Shirkan ayey ujeedadiisu ahayd sidii looga hor tagi lahaa shirqoolka ay Itoobiya iyo Dabaqoodhiga doolka ah oo mudooyinkan wadey olole ka dhan ah danaha shacabka Ogadeniya. Ololahan oo ay dhaqaalihiisa bixineyso safaarada Itoobiya ee Washington ayaa waxaa lagu soo hawlgelinayaa dad Ururuka JWXO hore looga caydhiyey iyo kuwa ka mid ah hadhaaga Ururkii Al-itixad ee dhawaan isu dhiibey xukumada Itoobiya.
Hadaba kulankan ayey Jaaliyaddu ku martiqaadey waaxyaha kala duwan ee ururada bulshada sida, Odayada, cukaashta, dhalinyarada iyo hooyooyinka. Shirkan ayaa ahaa mid xamaasad ku biloowday, boqolaalkii qof ee kasoo qayb galay ayaa madashii shirka buux dhaafiyey. Sacab iyo sawaxana lagu soo dhaweeyey madaxdii, goobtaad jaleecdana waxaad arkaysay dadwaynihii oo kullabisan calanka JWXO. Waxaa shirka lagu furay aayadaha Qur’aanka kariimka oo uu akhriyey Sheikh Xuseen isla markaana uu ku baraarujiyey dadwaynihii inuu halganka JWXO xaqyahay
waligoodna aysan kadaalin. Waxaa madashan iyana kahadlay Odey dhaqameedyada bulshada sida Cabdillahi Cumar Feen, Cali Xareed, Cabdillahi Daahir, Sheikh Xuseen iyo Cabdiqaadir Colaad. Xagga dhalinyarada Abdirahman Sh. Mohamud (A/Hollywood) ayaa isna kahadlay baahida guud ee halganku dhalinyarada uga baahan yahay iyo doorka ay kaqaadan karaan. Hooyooyinka ayaa iyana qayb libaax ka qaatay oo dhamaantood ka hadlay sooyaalaka taariikhda halganka dheer ee shacabka Ogadeniya.Waxaa shirkan si sharafleh uga qaybqaatay isaga oo khadka Telefonka kaga warbixinayey Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee JWXO Mudane Cadaani Hirmooge oo ka hadlay xaaladda ay Ogadenia ku sugantahay, iyo shirqoolka ay Ethiopia ku hayso shacabka reer Ogadenia dal iyo dibadba. Sidoo kale, waxaa shirka khudbad qiimo badan ka soo jeedisay Dr. Cibaado (Xoriyo) Xirsi Mahad oo a ka mid ah madaxda sare ee JWXO. Dr. Cibaado waxay ka hadashay Jaaliyaadka dibada iyo sida xawliga ah ee ay Halgan u garab isaageen. Waxay kaloo ka dhawaajisay in shacabiga reer Ogadenia uu halganka u bisil yahay. Siiba ayeey tidhi dhalinyarada qurbaha wax ku bartay oo sida ay sheegtay olole xawli ah kawada aduunka dacaladiisa. Meel kastana hadda laga og yahay xasuuqa ay dowlada Ethiopia ee KT Zanawi ku hayso Shacabka ree Ogadenia. Waxaa kaloo shirkan Gabay qiira leh kasoo jeediyey Abdirahman Sh. Axmed oo ah Jilaa kucaan baxay ruwaayadaha halganku kaasoo dad waynihii qiira galiyey. Isku soo duuduuboo shirkan ayaa ku dhamaaday guul iyo farxad lagana gaadhay danihii loo soo abaabulay. Shirkan ayaa waxa uu qayb ka yahay kulamo badan oo ay wadaan ururada bulshooyinka Ogadeniya ee qurbuhu, kuwaas oo dhan ka ah siyaasada Itoobiya ee ku aadan ogadenia iyo fal dambiyeedyada ay xukumada Itoobiya ka wado dhulkeena.



written by Ifrah, August 10, 2010
written by Ali, August 10, 2010
written by Ifrah, August 10, 2010
written by Cobra, August 10, 2010
written by Cobra, August 10, 2010
written by Cobra, August 10, 2010
written by Cobra, August 10, 2010
written by dollar stores, August 26, 2010








