Xukumada Itoobiya iyo Dabaqoodhiga Doolka ah ee Minnesota ayaa kulan kale oo rogaal celis ah ka qaban qaabinaya Magaalooyinka Mataanaa ah. Kulankan oo ay si qarsoodi ah u wadaan ayaa waxaa ka soo qayb geli doona Dhagar Qabe Cabdifataax Sh Cabdulaahi oo ka socda xukumada Itoobiya.
Hadaba, kulanakan ayey Dabaqoodhiga doolka ahi doonayaan in ay ka soo qaybgalaan dad gooni ah oo magacyadooda la qorey.
Kulankan galabta ayaa laga hagayaa goob shaaha/cofffeee laga cabo oo ku taala magaalada Minneapolis sida uu noo soo sheegay goob jooge ka mid ah qaban qaabiyayaasha.
Lama hubo in kulankan qabsami doono iyo in kale. Si kastaba ha ahaatee, hadii uu qabsoomi wuxuu noqon doonaa mid ay filimo iyo sawiro iskaga soo qaadaan, isla markaana ku sheegaan in kulan ay u qabteen Dhagar qabe Cabdifataax.
Cabdifataax ayaa lagu eedeeyaa in uu ka dambeeyo xasuuq ka dhacey Mooyaha oo gobolka Jigjiga ka mid ah bilowga sanadkan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof oo shacab ah.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








