Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Feb 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Xukumada Itoobiya iyo Dabaqoodhiga Doolka ah oo ku fashilmey Minnesota

Xukumada Itoobiya iyo Dabaqoodhiga Doolka ah oo ku fashilmey Minnesota

E-mail Print PDF

Wararka naga naga soo gaadhaya Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka ayaa sheegaya in Dhagar qabayaal ka socda Xukumada Itoobiya oo uu hogaaminayo ninka lagu magacaabo Cabdifataax Sh. Cabdulahi oo ay hor ordayaan Dabaqoodhiga doolk ah ay damceen in ay shirk u qabtaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota si ay shacabka uga iibiyaan siyaasada Xukumada Itoobiya.

Kulankan oo ay qarashkiisa bixisay safaarada Itoobiya ee Washington ayaa waxaa safaarada Itoobiya uga wakiil ahaa qaban qaabadiisa nin dadku ku sheegeen in uu  ka mid yahay Ururkii Al-Itaxad ee burburey ee hadhaagiisu dhawaan isu dhiibey taliska Addis Ababa. Sida dadku ku soo waramayaan ninkan ayaa bishan August 16 u socda magaalada Jigjiga.

Sida warku sheegayo kulankan ayey Dabqoodhiga doolka ahi doonayeen in ay si qarsoodi ah u qabsadeen, kadibna sawiro iyo filomo iskaga qaadaan iyaga oo sheeganaya in ay kulan jaaliyadeed qabsadaan.

Hadaba magaalooyinka mataanaha ah iyo guud ahaan Gobolka Minnesota oo ay ku nooshahay jaaliyad aad u xoog badan oo ka soo jeedo Ogadeniya ayaa maqashey kulankan qarsoodiga ah.


Sida lagu soo waramayo Dhalinyarada magaalada iyo guud ahaan Jaaliyada Ogadeniya ayaa iyaduna dhinaceeda abaabul hoose gashey.

Kulankan oo ay Safaarada Itoobiya u soo qabatey goob hotel ah, ayaa waxaa iska soo buuxiyey shacabka Ogadeniya ee xukumada Itoobiya ka soo barakicisay dulkoodii hooyo.

Dadweynihii goobta tagey oo dhamaantood ka soo horjeeda qorshaha shirka ayaa si degenaansho leh u fadhiistey goobta shirka, kadibna waxaa wacdi u furey nin ka mid ah kooxda shirka qaban qaabisay. Wacdigaas kadib, ayaa waxaa codbaahiyaha loo dhiibey Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis oo dalka Canada ka soo safrey, balse nasiib uma uusan helin in halkamad afkiiisa ka soo baxdo, waxaana halmar lagu bilaabey buuq iyo ukumo qudhmey oo lagu weeraro, waxaana ku xigey gacan ka hadal dhexmaray dhawrkii qof ee Dabaqoodhiga doolka ahaa iyo Jaaliyada.

Booliskii meesha joogey ayaa waxa uu isticmaaley sunta dadka kaga ilmeysiisa si ay u kala caydhiyaan dadka meesha isku haysta.

Dhacdadaas kadib, goobtii ayaa lagu kala dareeray. Waxaase xusid mudan in Cabdifatax uusan shirka iman, waayo, iyada oo la sheegayo waxaa uu sugayey jawiga uu shirku ku furmi doono,maadaama ay taariikh xun ka raacdey safarkii uu dhawr bilood ka hor ku yimid wadanka Sweden iyo UK

Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis iyo Cumar Xaashi ayaa waxaa dalka Canada ka keenay oo qarashka safarkooda soo bixiyey Safaarada Itoobiya ee dalka Canada

Generaal Cabdiraxmaan ayaa dadku ku sheegeen in uu yahay nin maquuste ah oo u soo tafaxaytey u ololeynta dawlada Itoobiya oo si bani’aadam nimada ka baxsan ula dhaqanta shacabka Ogadeniya.

Safaarada Itoobiya ku leedahay dalka Canada ayaa Cabdiraxmaan Khaliif dhawaan u dirtey Ogadeniya.

Cumar Xaashi ayaa isaguna ka mid ah dadka mudada dheer wadashaqeynta hoose la’lahaa Safaarada Itoobiya ee Magaalada Ottawa, Canada. Cumar Xaashi ayaa waxay Cabdiraxmaan Khaliif isu raaceen Ogadeniya, waxaana kharashkooda bixiyey Safaarada Itoobiya ee Canada.

Cabdiraxmaan iyo Cumar Xaashi ayaa wejiga siin kari waayey in ay shir ku qabataan Magaalada Toronto, kadibna u soo safrey Minnesota.

Hadaba, labadan nin oo dhawaan ka soo noqdey Ogadeniya ayey xukumada Itoobiya ugu talagashey in ay shacabka ka dhaadhiciyaan waxa ay ugu yeedho nabada iyo barwaaqada ka jirta Ogadeniya.

Xukumada Itoobiya ayaa waxay Ogadeniya ka wadaa isir sooc iyo xasuuq qarsoon, waxaana wadanka ka soo barakacay dad gaadhaya boqolaal kun oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo dunida daafaheeda.
Comments (4)Add Comment
0
dhuuni qaate maquusto
written by Haradigeed, August 08, 2010
smilies/grin.gif Abdiraxmaan Khaliif wuxuu kuquusan waayay dhagax tuurkii shacabka awaare kala hor yimaadeen isagoo u ol olaynaya inay Jwxo is dhiibto 1994tii. nin uxaytay si uu wax u cuno wax san iyo wax xun midna makala jecla kolbana meeshay lagasho ayuu uraadceeyaa. wuxuu lamid yahay kumaan kunka iibsaday dhiiga walaaladood.

waxaase hubaal ah inayna marra guulaysanayn, maadaama uu shacabka Ogadenia ka il baxay dhuuni qaate dhabarka laga taabtay warkiisa.
0
communication coordinator of GCNA (geri-community of North America)
written by ali, August 09, 2010
Marka hore Salaan Somali Galbeed.
marka labaadna waxaan rabaa in aan u sheego website-kan in aan sida aad wax u qorteen aan wax u dhicin. Omar Haashi iyo Abdirahman waxaan idiin sheegayaa in ay shirkii ay qabteen uu ahaa mid ku saabsan nabadeyn Somali galbeed iyo la xisaabtan Ethiopia. waxan u maleynaya in UWSLF ay kaga haboontahay in ay kala xisaabtanto arimaha Somali Galbeed ONLF. War nabada aan qaadano.

AD
0
...
written by Abdi T, August 09, 2010
Nabaddu waa aalad ay bin'aadamku u baahan yihiin. In kastoo, aragtidayda, aanay jirin wax la tabaan karo oo ay soo hooyeen kooxdan la baxday UWSF(awal loo yaqaanay al-itixad) haddana ciddii nabad qaadata kolley faaido ayaa ugu jirta.
0
allah ka cabsada
written by mohamed amin, August 23, 2010
dadka masaakinta ah ha waalina ,haa nabadu way wanaagsantahay waase goorma?
uwslf raggii la odhanjiray way is dhiibeen ee cideyna ha lug gu`in.shacab keenuna way ka dharasan yihiin hadalkii gaalka ugu sareeya addis (zenawi) ee ahaa : ``waa argagixiso laga adkaaday oo meel ayku gabadaan waayay``.hadalkani ``heshiikii`` malcuunka ahaa wuu ka danbeeyay. HALA OGAADO NIMANKANI WAY IS DHIIBEEN WAAYO MAXAY KA HELEEN ``HESHIISKII`` AY GALEEN.ALLAH AAN KA CABSANO QOLO QOLO DANI INOOGUMA JIRTO EE RAGAN IYO WIXII LA HALMAALABA AYNU CAYDHINO .HALGANKA AYNU BIIRNO (AF, JEEB IYO ADINBA).WA BILLAHI TAWFIIQ.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 10 August 2010 14:20 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 102 guests online