Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Go'aamadii ka soo baxay shirkii 15aad ee Jaaliyadaha Ogadeniya

Go'aamadii ka soo baxay shirkii 15aad ee Jaaliyadaha Ogadeniya

E-mail Print PDF

Ogaden National FlagWaxaa lagu qabaty magaalada Stockholm, ee casumadda dalka Sweden, shir sanadeedkii 15aad ee Jaaliyaadka Somalida Ogadenia oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota jaaliyaadka Ogaadenia oo ka kooban, masuuliinta Jaaliyaadka, Ururtada Bulshada iyo samafalada ee ka jira qaradaha Australia iyo afmeerka badweynta Baasifika, Americada waqooyi, Afrika, Yurub, iyo Bariga Dhexe.

Waxaa kaloo ka  soo qaybgalay madax Golaha Dhexe iyo guddiga fulinta JWXO, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo hayado ka kala yimid dalaka Yurub oo taageeraya qaddiyadda Somalida Ogadenia. Waxaa shirkaas iyana si buuxda uga qaybgalay fanaanin ay ka mid yihiin Sado Cali Warsame iyo Jaango. Waxaa kaloo si xooggan uga soo shacabka Somalida Ogadenia ee dalalka Scandinavianka. Sidoo kale waxaa si qiimo leh uga soo qaybgalay jaaliyadda Jamhuriyadda Somalia.

Shirkan noocan ah oo sanadkiiba mar la qabto waxaa lagu gurfeeyaa horumarinta dhaqanaka, aqoonta, nolosha beelaha Somalida Ogadenia eek u nool qurbaha iyo sidii ay uga gudbi lahaayeen duruufahaka  soo wajaha qurbaha. Waxaa kaloo lagag hadlaa sidii loo taageeri lahaa shacabka Somalida Ogadenia ee Gumaysiga itoobiya uu gumaadka ku hayo iyo sidii loo taageri lahaa halganka xaqa ah ee Xoraynta shacabiga Ogadina ee ay JWXO hormuudka hoggaaminayso.



Ergada shirka markay si qoto dheer u falanqeeyaan waayaha cusub ee ka jira adduunka ay ku nool yihiin, geeska afrika iyo ogadenia, qiimayn dhab ahna ku sameeyeen xaaladda ay ku sugan yihiin guud ahaan Somali , gaar ahaanna Somalida Ogaadenia dibed iyo gudaba, waxay soo saareen warmurtiyeedkan.

Markii la eegay xaaladda nolosha qurba joogta ogadenia iyo duruufaha ku soo foodsaaray dalaka ay ku soo qaxeen;
Markii la qiimeeyay xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka soomalida Ogadenia ee gunmaysiga Itoobiya uu gumaadka bani’aadminada ka baxsan uu ku hayo

Markii la arkay halganka dhaxal galka ah ee ay shacabka Somalida ogadenia ugu jiraan xaqiijinta aaya ka tashi gooda iyo hanashada noloshooda
Markii la arkay sida Itoobiya ay dhammaan Ummadda Somaliyeed ay u guntatay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd oo ay u hoos keeni lahayd gunmaysiga ay goray ugu haysatay Somalida Ogadenia.

Ayadoo la tixgaliyay taariikhda soo jireenka ah ee Shacabka Somalida Ogadeniya eek u dhisan sharaf, haybad, dhaqan wanaag iyo imman rabigii uuntay iyo diinta islaamka

Ayadoo la tixgaliyaya halgankii taxanahaa ahaa ee somalida Ogadenia ay ku sugtay inay ka horjoogsato Itoobiya inay hanato shacabka iyo dalka Soomaaliyeed ee ay gumaysato

Ayadoo la tixgaliyay wada dhalashda iyo xidhiidhada soo jireenka ah ee dhaqan dhaqaale ee Ummadda Soomaliyeed ka dhaxeeya
Ayadoo la tixgaliyay deriska iyo wada dhalashada shuucbta somaliyeed, Oromada iyo sidaamada iyo mawaaqifta midaysan ee ka dhalatay dhibka isku sida gumaysiga Itoobiya uu ugu hayo shucuubtaas.

Ayadoo  la tixgaliyay saaxiibtinimada qoto dheer ee u dhaxaysa Somalida Ogaadenia iyo shacabka Eritrea ee ka dhalatay halgankii dheer ee ay soo wada galeen muddadii dheerayd ee ay la dagaalamayeen gumaysdiga Itoobiya.

Ayadoo la tixgalinayo jawiga caalamka iyo xeerarka caalamiga ee saamaynta ku leh nolosha shucuubta caalamka

I. Waxay jaaliyaadka Ogadenia ee qurbaha ah go’aansadeen inay xoogga saaraan siday:
  1. U kobcin lahaayeen Aqoontooda una xoogin lahaayeen waxbarashada ubadkooda iyo horumarinta qof ahaaneed ee shaqsiga ah dhinac walba
  2. U ilaalin lahaayeen ugu dhaqmi lahaayeen dhaqanka wanaagsan ee ummaadda Somaliyeed ay leedahay ee soo jireenka ahaa
  3. U adkayn lahaayeen ku dhaqanka diintooda, rabbiigii uuntaynaa ay u adeeci lahaayeen, taas oo u horseedaysaa badbaadadooda iyo tan u badkooda.
  4. Ugu  dhiiri-galin lahaayeen dhallanyarada shaqada oo ay u ahaan lahaayeen kuwo barta isku filnaashada taas oo u horsdeedaysaa sharaf iyo inay culays ku noqol beelaha marti-galay oo fursad cusub u abuuray.
  5. Ugu fara- adaygii lahaayeen qoyska, taas oo saldhig u ah bushada una horseedaysaa dhaqan wanaag iyo ubadka oo fursad u hela laba waalid oo barbarin habboon siiya.

II. Waxay si buuxda oo hagar la’aan ah u garabtyaagan halganka xaqa ah ee ay JWXO hoggaamminayso, waxayna u sheegayaan in doc ka yeedh uu ka leexin Karin geedi soscodka gobanimada Somalida Ogaadenia lagu xaqiijinayo.

III. Waxay u soo jeedinayaan shacabwaynaha somalida , gaar ahaan Somalida Ogadenia inay

  1. Adkaystaan minimadooda, wada-jirkooda iyo qaranimadooda ayagoo ka toosayada hurda ilowsisay wada-dhalashadooda iyo danwadaaga kumanasanka sano u suurto galin jiray inay Geeska afrika gacanta sare ku yeeshaan
  2. Iska kaashadaan caddowgooda u soo tafa-xaytay inuu jiritaankooda baa’biyo iyo duruf kastoo ka hor imanaya noloshooda, horumarkooda, diintaasagoo iyo wadda ay ku gaadhayaan gobanimadooda
  3. Taageeraan halganka xaqa ah ee lagu xoraynayo Ogaadeeniya oo ay horseedka u tahay JWXO, si buuxdana uga qayb qaataan sidii dhulka lagu xorayn lahaa laguna horumarin lahaa
  4. Ummadda Soomaaliyeed ee Somalia ku nool ee gumaysiga Itoobiya uu u hanqal taagayo inuu xornimadood kala dhantaalo oo uu hoos keeno gumaysigiisa asagoo u qaybinaya waaxyo aan tabar lahayn oo uu maquunin karo,  u midoobaan sidii qaranimadooda u sugi lahaayeen oo dowlad iska cabin karta faragalinta iyo xad-gudubyada Itoobiya ay u taagi lahaayeen, isla markaasna u aqoonsadaan in maamulka Meles Zenawi ee Itoobiya ka taliya u yahay khatartii u waynayd ee umaadda somaliyeed soo food saartay taariikhdeeda
  5. Si buuxda u garab taagan yihiin walaalahooda Eritrea oo si xaq daro ah loogu soo rogay cuno qabatay cadaalad daro ah, ayadoo la iska indha tirayo Itoobiya oo geeska afrika ka abuurtay xasilooni daro, una gaysatay ummadaha ku nool gumaad iyo dambiyo dagaal, khaasatan Somalida Ogadenia iyo Somalia, si joogto ahna u jabisa xeerarka calaamka iyo UNta, ka dib markay ku daldashay Somalia hubkii laga cunmaqabatayeeyay, isla markaasna khatar ay ku hayso dhammaan shucubta Geeska afrika ee jibuuti, Kenya, Sudan, Somalia, iyo shacabkeedaba
  6. Si buuxda u garab taagan yihiin walaalahooda oromo iyo Sidaama oo maamulka Meles Zenawi uu gunmaad, cadaalad daro ku hayo , xuquuqdadana duudsiyay, waxayna ugu baaqayaan inay xoojiyaan halgankooda iyo iskaashigii seddex geesoodka ahaa ee ka dhexeeyay Somalida Ogadenia, Oromada iyo Sidaamada.
  7. Si buuxda u garab taagan yihiin shucuubta Itooba oo dulman oo maamulka meles Zenawi uu ku hayo xasuuq, cadaalad daro, afduub iyo ka horjoogsi xaqooda dimuqraadiga ah, asagoo si cad oon xishood lahayn u boobay doorashada May 2010, waxayna ugu baaqayaan inay iskaashadaan mucaaradka Jabhada Gobanimodoonka ah iyo Mucaaradka Itoobiya, ayadoo iskaashigaas ku dhisan yahay aqoonsiga xaqa aaya ka tashiga shucuubta ku hoos nool imbaadooriyada socon la ee itoobiya, kana koraan afkaarihii haraadigfa ahaa eek u salaysnaa gumaysi iyo isku dulnoolaad
  8. Si aad ay u soo dhowaynayaan heshiiskii dhex maray walaalahood Jibuuti iyo Eritrea, waxayna ku boorinayaan inay dhamays tiraan wixii khilaafadka ee weli dhiman

IV. Waxay jaaliyaadka Somalida Ogaadeenia ugu baaqayaan:

  1. Shacabka somalida Ogaadenia inay si dhab ah ugu guntadaan siday isaga xorayn lahaayeen gumaysiga Itoobiya
  2. Shacabka Somaliyeed ee Geeska Afrika deggan inay soo ceshedaan dowladnimadoo iyo xornimadooda, gacana siiyaan walaalahooda xoriyaddooda u halgamaya oo doonayaa inay iska xoreeyaan gumaysiga itoobiya.
  3. Dowladaha caalamka ee cadaaladda iyo dimuqraadiyadda jecel inay  inay taageeraan shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia oo aanay u lug qaban gumaysiga gaboobay  ee Itoobiya kaas oo ku haya  gumaadka, hor joogsi horumar iyo cuno qabatayn nololeed

V. Waxay ka xun yihiin canaan kululna u soo jeedinayaan Qaramada Midobay iyo Midowga Africa oo iska indho tiraya gabood falka iyo gumaadka ay itoobiya ku hayso Shacabka Somalida Ogaadenia, aygoo og, isla markaasna taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed oo shacabka dhib loogu gaysanayo u fidinaya Itoobiya, xilkoodii xeerarka caalamkana gudan waayay.

VI. Waxay cambaraynayaan

  1. Dowladda Itoobiya oo si joogto ah ugu xad-gudubaysa xuquuqda shacabka Somalida Ogaadenia, kuna maamusha nidaam gumaysi ah oo aad u gaboobay oon dal kale oo adduunka ah ka jirin.
  2. Dabadhilifyada iyo gumaysi kalkaalka wata magacyo urur oo aan matalin shacabka Somalida Ogaadenia oo ka been abuuranaya halganka Xaqa ah ee dhiiga badan loo huray iyo Idaacadaha gumaysi kalkaalka ah ee u abuuran inay Somalida Ogaadenia xaqeeda duudsiyaan
  3. Heshiis beenaadka ay itoobiya dhoodhoobtay, waxayna u sheegayaan inay shacabka Somalida Ogadenia ka koreen khiyaamooyinka beenta ah iyo shirqoolada ay itoobiya maleegayso.
  4. Maamul ku sheegyada Somalia ka jira ee u adeegaya gumaysiga itoobiya oo loogu talo galay kala dilka ummadda Somaliyeed
    Somalia Ogadenia way xorowday

Midnimada Ummadda Somaliyeed ha adkaato
Ilaah ayaa weyn!!!
Shirkii 15aad ee Jaaliyadaha Somalida Ogadenia
Stockholm, Sweden
August 1, 2010

 

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 85 guests online