Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Ururuka OYN ee San Diego ayaa kulan la yeeshay Madaxa Genocide Watch

Ururuka OYN ee San Diego ayaa kulan la yeeshay Madaxa Genocide Watch

E-mail Print PDF
Todobaadkan ayaa Ururka OYN waaxdiisa San Diego oo uu hogaaminayo Mudane Abdicasiis Cabdi Cali Abshir la kulmeen madax waynaha Ururka Genocide Watch Dr. Gregory Stanton. Ururka Genocide Watch ayaa ah mid marwalba utaagan la dagaalanka iyo ka hortagga qaababka xun-xun ee ibnu aadanka loola dhaqmo sida jidh-dilka, kufsiga iyo xasuuqa shacabka oo si wada jir-ah loo xasuuqo (mass murder). Hadaba dhalintu waxay Dr. Stanton iyo guddigiisa usoo bandhigeen qoraalo iyo tusmooyin farabadan oo ka hadlaya dhibaatooyinka dhulka Ogaden.

Dhalintu waxay u sheegeen in ujeedadooda dag-dag ay tahay in dhulkooda laga qaado cunaqabataynta, loona ogolaado galidda hayadaha samafalka, iyo saxaafadda (Media) si’ay u arkaan una soo bandhigaan aduunka dhibka haysta shacabka ree Ogaden.
Dr. Stanton waxa uu u sheegay dhalinta in xaaladda Ogaden tahay mid siyaasiyiinta aduunku had iyo goor hadal hayaan. Isla markaana tahay mid il’ gaar ah lagu hayo. Ugu dambayn Dr. Stanton waxa uu gacan ufidiyey dhalinyarada una sheegay in labada urur xidhiidh toos ah wada yeelan doonaan si wadajir ahna utusi doonaan dhibka shacabka lagu hayo. Waxaa kale oo uu dhakhtarku sheegay in ururkiisu aqoonsaday waxa ka socda Ogaden yahay xasuuq shacab (Genocide). Intabadan siyaasiyiinta iyo ururadu way ka meermeeraan inay isticmaalaan ereyga xasuuq (ama Genocide). Laakiin waa farxad iyo guul soo korodhay. Ururka OYN waaxda San Diego waxay bisha April jaamacadaha magaalada San Diego sida UCSD, SDSU iyo USD ka dhigi doonaan barnaamij lagu magacaabo CALL FOR JUSTICE IN THE OGADEN.  Barnaamijkan oo kol dhow aad xayeeysiiskiisa ku arki doontaan shabakadaha ayaa waxaa ka soo qayb-gali doona ururo iyo madax kala duwan sida Amnesty International. Fadlan ha moogaanin.

 
Comments (1)Add Comment
0
Maanshaa allah
written by sheywaal, March 19, 2010
Halkaa waxaad ka garan inay wax inoo qabsoomayaan. Dhalinyaradu marka ay sidan u shaqeeyaan walle waa wax lagu farxo!

Keep up the good job!

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Friday, 19 March 2010 18:51 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 77 guests online