Shirkii inta badan la sugayay ee ku saabsanaa dhageeysiga xasuuqa dowlada Itoobiya ay ka wado Ogaadeenya ayaa March 16, 2019 ka dhacay xarunta baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belgium. Dhageysiga ayaa waxaa shir-gudoominayey Marwo Anna Gomes oo xubin ka ah Baarlamaanka Yururub iyo Mr. Marino Busdachin oo ah Xogahaya guud ee ururka dalka iyo dadka aaney cidina matalin (Unrepresented Nations and Peoples Organization (UNPO). Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galey galay ururada bulshada ee Ogaden communities and civil society Association oo ay hogaamineyso Ms Ruqiya Xasan , ururka xuquuqda Afrika u dooda ee African Rights Monitor oo uu ka socdey Abdullahi Mohamed iyo Ururka dhalinyarada OYL.
Dhageeysigan waxaa si fiican u daadahinaysay Marwo Anna Gomes oo ah xubin muhiim ka ah baarlamaanka Yurub, iyadoo uu dhinac fadhiyay xoghayaha guud ee (UNPO) ururka caalamiga ah ee u olaleeya umadaha dulman ee aan doowladaha lahayn.
Marwo Gomes ayaa khudbad lala yaabay oo aay goobta ka jeedisay ku sheegtay in Itoobiya tahay dowlad masuuliyad daran oo aan lagu aamini karin umada soomaalida Ogaadeenya loona baahan yahay in umadaa laga badbaadiyo gumaadka taliska Itoobiya au ka wado deegaankaa. Mrs. Ana Gomes ayaa carabka ku dhufatay in mar ay la kulantay dhiigyacabka Itoobiya kalana hadashay dhibaatada Ogaadeenya uu ku jawaabay in dan iyo xaajo uusan ka lahayn dadka reer Ogaadeenya. Hadalkan ayeey ku tilmaamtay in uu muujinayo sida Itoobiya uga go’an tahay baabi’inta iyo ku tumashada xuquuqda shacbiga Ogadeenya laakiinse bey tiri in uusan socon doonin qorshaha guracan ee Itoobiya gobalkaa ka wado sababtoo ah caalamka oo idil ayaa ku baraarugay baaxada dhibaatada halkaa ka taagan.
Anna Gomes ayaa ku tilmaamtay kaalmada dhaqaale ee Midowga Yurub siiyo itoobiya in ey la mid tahay ka qeeyb qaadashada xasuuqa ciidamada Itoobiya gobolka ka wadaan uguna baaqday xilibaanada dhigeeda ee Baarlamaanka Yurub inay dib uga fiirsadaan lana joojiyo lana hor is taago in wax kaalmo ah noocey doontaba ha ahaatee la siiyo xukuumadan aan waxba xeerin. Gomes ayaa goobta ka muujisay taageerida shuruud la’aanta ah oy u heeyso in umada dulman ee Soomaalida Ogaadeenya si walbaba lagaga samato bixiyo dhibaatooyinka ula kaca ah ee loo
geysanayo aadna ula dhacday marqaatiyada marag ma doontada ah ee laga hayo gabood falada itoobiya u geeysaneeyso shacbiga xabsiga dusha ka furan ku jira.
Xoghayaha guud ee Ururka caalamiga ah ee matala umadaha aan doowladaha lahayn Mr. Marino Busdachin oo isna hadal jeediyay ayaa xusay in danbiyada dagaal ee Ogaadeenya laga galay la horgeeyo Maxkamada Danbiyada Dagaal (ICC) ee Heeg. Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyey in umadaa oo loo ogolaado in ay aayaheeda ka tashato tahay xalka kaliya ee dabka Geeska Afrika ka hurayo lagu damin karo. Dhageysigan oo si heer sare ah u dhacay shalay kana soo qeyb galeen heya'ado gaar ah oo si toos iyo si dadbanba saameeyn uga leh Ogaadeenya ayaanan halkan lagu soo koobi karin. Arintan oo noqoneeysa mid taariikhda gashay ayaa miro dhalkeeda la filayaa waqtiyada dhow ee soo socda.
Mudane Abdikarim Yonis oo ka socday ururada aan dowliga aheyn ee Ogaadeenya iyo Mudane C/llaahi Maxamed oo ka socday ururka isha ku haya tacadiyada xuquuqda aadanaha ee loo yaqaano African Rights Monitor ayaa iyagana goobtaa warbixino maqal iyo muuqaal ah ka soo jeediyay. Waxaa sidoo kale goobta xaadir ku ahaa ergooyin ka kala socday jaaliyada Ogaadeenya ee wadamada Holland, UK, Norway iyo Switzerland.

written by Bashir, March 18, 2010
written by Budul, March 18, 2010
Several television networks like Al-jazeera used this wrong data and we should know our history better than foreigners. The whole of Ogadenia fell under the British rule during the second world war, and most of it was given to Ethiopia in 1948.
Secondly, I understand that Ruqiya H Hasan has not managed to attend the meeting on 16/03/10
Finally to Bashir ... It was not the Belguim government but the European parliament that held the hearing.
Regards
Budul
.
written by Bashir, March 18, 2010
written by freedom caming soon, March 21, 2010
waxaan jeclaan lahaa in aan umahad caliyo dadka har iyo habeenba u taagan xornimada OGADENIA, iyo qofkasta oo daneeyaba.
waxaana ugu bishaareeynaa dadka soomaliyeed oo dhan meel kasta ooo aay joogan in aay soo dhawdahay xornimada OGADENIA, waxana leeyahay xaasid iyo rufyaanoow, is dil
laakiin,,, wax yar ayaa haray oo ah waxa ugu fudud oo qofkasta qaban karo, waa in isku dhinac loowada shaqeeyo oo anan loo kalaharin halganka, waxii qilaaf ah oo inaga dhaxeeyo aan dib u dhigano, dadcan bini aadam baan ahay qilaf uu iman karaa,,, laakiin dib inoogu dhiga maalintiisa ayaan ka wada hadleeynahee.
waxaan kale oo aan codsan lahaa, in wada xariir aan sameeyno oo dadka ha isku xirnaadeen , adadoonan lakala saareeynin, qofkasta oo soomali ah waay quseeysaa arintaan .
mahadsanidiin
written by id.hussein, March 22, 2010
written by Bashir, March 23, 2010
written by Ogaden boy from UK, March 24, 2010
written by Bashir, March 25, 2010








