Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogadeniya ee Waqooyi America (Ogaden Youth Network of North America) ayaa magaalada Minneapolis Maalintii Axada ee March 14, 2010 ku soo gabagabeeyey shir socdey 3 maalmood ee Jimce, Sabti iyo Axad
Shirkan oo ay ka soo qabygaleen xubnaha Dhalinyarada ee Gobolo badan oo ka mid ah cariga Maraykanka, sida San Diego, Denver, Seattle, North Dakoda iyo Minnesota. Sidoo kale waxaa wadanka Canada ka soo kicitimey Xubno ka mid ah Ururuka Dhalinyarada Ogadeniya ee Canada (Ogaden Youth Network of Canada).
Kulankan oo aad u balaadhnaa oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa maalintii Sabtida ka soo qaybgakey dadweyne aad u fara badan oo isagu jira Jaaliyada Ogadeniya iyo kuwa jamhuriyada Soomaiya, sidoo kale waxaa shirka ka soo qayb galey marti sharaf lagu soo casuumey shirkan oo ay ugu horeeyaan mas'uuliyiinta jaaliyadaha Ogadeniya iyo qaar ka mid ah xubnha JWXO ee ka hawlgala Waqooyi Amerika oo halkaas ka soo jeediyey khudbado taariikhi ah iyo talooyin ku aadan Dhalinayarada.
Dhinaca kale, mas'uuliyiinta ururada dhalinyarada ayaa madasha shirka ka soo jeediyey warbixino meeo badan taabanaya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in dhalinyaradu u hanan lahayd kaaliinta kaga aadan halganka loogu jiro aaya katalinta shacabka Ogadeniya.
Dhalinyarada ka soo qaybgashey kulankan ayaa goobtii shirka ka soo jeediyey suugaan iyo majaajilooyin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen gabayo lagu qaadayo luuqada English-ka oo ay halkaas ka soo jeedisay Gabadh aad u da'yar oo ka soo soo safartey wadanka Canada. Gabaygaas oo dadkii goobta fadhiyey ku abuurey xamaasad iyo qiiro wadaninimo.
Ujeedada shirkan oo ahaa is barashada Dhalinyarada iyo qaabkii ay u wada shaqeyn lahaayeen ayey dhalinyaradu si gooni ah arimahaas ugu gorfeeyeen maalmihii Jimcah
a iyo Axada. Dhalinyarada ayaa kulamadoodan ku soo bandhigey warbixino cilmiyeysan iyo qaabka ay u doonayaan in ay u midyen doonaan cududa iyo maskaxda dhalinyarada Waqooyi Amerika. Sidoo kale, waxay balan qaadeen in ay kulamadooda danbe ku qaban doonaan goobaha waxbarashada sida Jaamacadaha, si dhibaatada ay Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya loo gaadhsiiyo caalamka , isla marakaana saaxiibo loogu yeeli lahaa.
Dhalinyarada ayaa waxay qorsheynayaan in ay furi doonaan tababaro meelo badan taabanaya oo ay midka tahay sida loo xaliyo khilaafaadka, barashada taariikhda halganka Ogadeniya, barashada hogaamiye nimada (Leadership training) iyo qaabkii saaxiib loogu sameyn lahaa shacabka dhibaateysan ee Ogadeniya.


written by Duqbilow, March 15, 2010
written by Bashir, March 15, 2010
written by Bashir, March 16, 2010
written by Rahma, March 16, 2010
written by abdikarim, March 16, 2010
written by ahmed, March 16, 2010
written by Bashir, March 17, 2010
written by BQ, March 19, 2010
War dad diin lagu dhalay oo lagu koriyay baa tihiine intaa dulinimada iska daysaan meelahan aad intaad isku timaadaan ka heesaysaan waxba ma taraysee qofkii Ogadenia wax u qabanaya laba wax buu samayn karaa:
1. Do fundraising and send the money back home to build schools, hospitals and the community
2. Go there in Ogadenia and help in however you can
The fact that y'all having fun dancing and saying this is for Ogadenia is no use.
Please nimanka iyo naagaha muxramka kala ah ee la'isku dhex daaynayo cidna ma caawinayso. Illaahay u noqda oo dambi dhaaf waydiista.
NO OFFENSE TO ANYONE JUST MY OPINION
written by sheywaal, March 19, 2010
Waxaa nasiib xuma ah laakiin adoo qof wayn ah inaan wakhti kugu lumiyo.
written by BQ, March 20, 2010
waxaad tiri dhalin baa meel isugu timid and I do know that but what I don't know is, how are they helping Ogadenia?????????
please elaborate by all means
they did get together so what? how is that helping the country and the people of Ogaden?
qof aan caayay ma jiro and yes dadka meesha isugu yimid muxran weey kala ahaayeen.
written by Bashir, March 21, 2010
written by BQ, March 22, 2010
written by Bashir, March 22, 2010
written by BQ, March 26, 2010
written by Bashir, April 01, 2010








