Maamul ku sheega Hargeysa aaa bishan Feb 10, 2010 waxay Ciidamda sirdoonka Itoobya u gacangeliyeen Hooyo lagu Magacaabo Bishaaro Wacdi oo ka soo jeeda Wadanka Ogadeniya. Marwo Bishaaro ayaa waxay ku nooleyd magaalada Hargeysa qiyaastii laba sano, kadib markii ay ka soo baxdey Xabsi ku yaala magakaada Jigjiga Jan 31, 2007.Marwo Bishaaro ayaa waxay Ciidamada Itoobiya ugu xidhnaan jirtey Magaalada Qabridahare sanadii 2005. Jeelkaas oo laga soo daayey sanad kadib. Marwo Bishaaro waxay u soo guurtey Magaalada Jigjiga. Balse Oct 20, 2006 xiliga waaberiga ayey Ciidamada Itoobiya gurigeeda kala baxeen oo ay dhigeen xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga. Xabsigaas ayey Ciidamada Itooboya kala baxeen Marwo Bishaaro Oct 28, 2006 iyada oo dadkii la xidhnaa filayeen in la sii dayn doono ayaa waxa xabsiga lagu soo celiyey iyada oo sanka iyo afka dhiig ka da’ayo labada gacmoodna laga soo jabiyey.

Marwo Bishaaro ayaa nasiib u heshay in ay xabsigaas adag ka soo baxdo Jan 31, 2007, waxayna si nabad ah ugu nooleyd magaalada Hargeysa, balse Maamula Dabadhoonka ee Hargeysa oo caan ku ah raali gelinta xukumada Itoobiya iyo ku tumashada xuquul insaanka dadka ka soo jeeda Ogadeniya ayaa Marwo Bishaaro mar kale u gacan geliyey xukumada dhiigyacabka ah ee Itoobiya.
Ma’aha marii ugu horeysay ee Maamulka Hargeysa ku kaco falala noocan oo kale ah, laakiin waxaa hada ku cusub dhiibitaanka Dumarka Hooyooyinka ah ee nabadgelyada u soo raadsadey deegaankooda.
Xabsiyada Maagalooyinka Ogadeniya iyo xeryaha Cidmaada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafeen, halkaas oo ay ku xiran yihiin dad shacab ah oo taradoodu kor u dhaaftey kumanaan qof. Dadkaas ayaa lagu eedeynayaa in ay taageerayaal u yihiin Jabhada ONLF, balse ma jirto wax cadeymo ah oo lagu hayo, lamana saaro wax Maxkamad ah dadka xabsiyada ku xiran.
Gobolada Ogadeniya ayaa waxaa ka jira xukun ka duwan Itoobiya inteeda kale, taas askariga Itoobiyaanka ah siineysa awood ka weyn mida Maamul ku sheega ka jirta Gobolada Ogadeniya.
Comments (4)

written by fathi, February 25, 2010
walaala yaal hadii aad tihiin onlf amba ogaden
kiliil ka shanaad mawaxaa daga ookali ah ogaden
maxaa loo waayay cid aan ogaden ahayen oo kadhex muuqata
onlf mise sida magaca kamuu qata
cidna uum ogaladin inay
idinlla daganaato kililka shanaad
kiliil ka shanaad mawaxaa daga ookali ah ogaden
maxaa loo waayay cid aan ogaden ahayen oo kadhex muuqata
onlf mise sida magaca kamuu qata
cidna uum ogaladin inay
idinlla daganaato kililka shanaad
written by warsam, March 10, 2010
written by Somali, May 03, 2010
Asc salan kadib aniga oo aad ugu fikir dhow dalmar xaqiiqan isku dayga qofka bini aadankaa mar marka qaarkood waxaa macquula iney jirto dariiqo kasahlan oo uu hadafkiisa ku gaari karo laakin taas waxaa lagu haleeli karaa isagoo qofku dib isagu laabto hadaba anagina oo eey aad ii damqeyso dhibatada dadkeyga maadama aan ahay nin u dhashay dhulka walow aanan wili hal mitir oo kamida aanan cagteyda dhigin hadana waxaan qabaa in siyasada qoriga dib loo soo oo intii cadaw inta dadka shacabka ah lagu cariyo aanan looga cararin maxaa yeelay hada dadka ogadenia waxey ku suganyihiin maahmaahdi aheyd "HAL NIN GURRANI DHEELMAY GARNA UMA FIYOOBA" maxaa yeelay ninki jamhada tageera itobiya dileysa ninki yiraahda sideyda oo kale waa qorigu xal kuma jirana jamhada dileysa hadaba aan hor dhigayaa jamhada ONLF waxey tahay qoomiyadaha kale ee itoobiya daga ayagoon mamulka rabin ayeey shacabkooda qoriga ka ilaaliyeen ee maxa fikirkas u diiday ONLF mise meesha wax dan u hayaa shacabka majiro? Mida kale website kaste ee kahadla arimaha ogadenia wuxuu qoraa dadba la xasuuqay gabdhaa la kufsaday hadaba warkaas dhiilada leh ee dadka reer ogadenia sumcadoda dilay ma waxaa usababa cadawga itoobiya mise ninka inta AK47 nin taangi kuriday maatada iyo masaakiinta kt dhex cararay? War taladaas wax halaga badalo oo danta guud hala eego inta tan gaar ahaaneed meel la iska dhigo walaahu calaa maa naquulu wakiil wc
Write comment









hoogan iyo xabadan naafeeyay noloshii iyo milgihii ummadan laheeyd, isla markaana geyeysiiyay magaca
ay caanka ku tahay "qoxooti" waa mirihii ka dhashay garasho sabool ah!
marka aad ku guuldareysato wax badan Waxaa mudan inaad dib isu eegto dibna ugu noqoto heykalkaaga qofnimo iyo fikirkaaga kaasoo ah awooda ota-otaysa noolaha!
anigoo ah mid idanka beermay ase aan idinla wadaagin dhaqan iyo degaan,waan didiin barooranayaa!