Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Feb 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Shiniile oo uu dagaal adag ku dhex maray shacabka iyo Ciidamada Tigreega

Shiniile oo uu dagaal adag ku dhex maray shacabka iyo Ciidamada Tigreega

E-mail Print PDF
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diridhaba ee gobolka Shiniile ayaa waxa ay sheegayaan in dabayaaqada todobaadkii lasoo dhaafayay shacabka magaalada Shiniile ay sameeyeen mudaaharaad aad u balaadhan,hase ahaateen Ciidamadii Tigreega ayaa si aabayeel la’aan ah dadkii oodda uga qaaday rasaas, waxa ayna rasaastii Tigreegu dishay hal ruux oo shacab ah, waxaa kale oo ay dhaawacday ugu yaraan shan ruux oo kele.

Dadkii banaanbaxayay markay arkeen in ayna Tigreegu u aabayeelaynin oo ay si quman u tooganayaan ayaa qof walba oo uu qori u yaalay magaalada lasoo baxay, kadib durba jawigii banaanbaxa ayaa waxa uu isu badalay dagaal adag. Tigreega waxaa halkaas lagaga dilay 5 askari in badana lagaga dhaawacay. Kadib ayay ciidamadii Tigreegu dib ugu gurteen xeryohoodii.
Banaanbaxan ayaa waxa uu ka dhashay sida wararku sheegayaan qorshe ay Tigreegu waayahan ka wadeen nawaaxiga magaalada Shiniile, qorshahaas oo ay Tigreegu ku diyaariyeen dhulbeereed lagu qiyaasay (60,000) oo hectare kadibna lasoo dajiyo dad Itoobiyaan ah oo laga soo raro dhulka sare ee buuralayda ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxa Shiniile ayaa waxa ay sheegayaan in Tigreegu ay ka guureen magaalada Shiniile, waxa ayna xayiraad ku soo rogeen dadka dhalinyarada ah ee ka soo baxaya Diridhaba ee u socda Shiniile, iyagoo ka cabsi qaba in kacdoonkaasi ay ka soo baxaan dhalinyaro cadhaysan oo ku biirta jabhadda ONLF. Waxa ay wararku intaas ku darayaan in dadkii shacabka ahaa ay cagta mariyeen dhamaanba qalabkii larabay in lagu fuliyo mashruucyadan dadka shisheeyaha ah lagu soo dajinayo.
 
Qorshahan ayay hadda kahor Tigreegu isku dayeen in ay ka fuliyaan dhul beereedka magaalada Goday, shacabka magaalada oo arintaas ka banaanbaxna waxaa lagu wada guray xabsiga.
 
Qorshahan oo ay ku baxayso in kadan 3 billion oo birka Itoobiya ah ayaa waxaa dawladda Itoobiya ka caawiyay Israel,oo iyadu bixisay dhamaanba kharashka ku baxaya laba mashruuc oo kani kamid yahay oo sanadkan larabo in laga fuliyo gobolka Shiniile.

Jawiga magaalada Diridhaba ayaa aad u kacsan, waxa ayna dadku isu sheegayaan warar dhiillo leh oo ah in dhulkoodii lasoo dajinayo dad Itoobiyaan ah.
 
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Thursday, 21 January 2010 12:00 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 77 guests online