Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in 3 Wiil oo Geel soo arooriyey ay booqasho ugu yimaadeen Wiil magaalada Dhagaxbuur degen oo ay qaraabo yihiin, Wiilkan oo lagu magacaabo Deeq Saciid oo ka mid ah shaqaalaha Isbataalka Dhagaxbuur. Hadaba sida warku sheeegayo 3-dii ayaa galabnimadii u ambabaxay in ay ka daba tagaan Geeloodii, balse Ciidamada Wayaanaha ayaa 3-da Wiil soo qabtey oo xabsiga dhigey. Kadibna waxay Ciidamada Wayaanuhu gurigiisa ka soo xidheen Deeq Saciid oo ah Wiilkii ay 3-da Wiil soo booqdeen.
Wiilashan oo naloogu kala sheegay magacyadooda;
- Cabdi Nuur Aw Maxamuud oo ah Wiilka Myedkiisa suuqa la soo dhigey
- Ina Cabdi Dheere Adan: Waxaa Adeer u ah Wiilka la dley
- Kan 3aad magaciisa ma hayno, balse waxaa Abti u ah Deeq Saciid.
- Deeq Saciid oo ah Wiilka ay 3-da kale soo booqdeen
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Wiilashan si xun loo jidh diley, waxaana la sheegayaa in Deeq Saciid oo aad u liita loo qaadey xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga. Wiilasha kale ayaan la ogeyn meel ay ilaa hada ku sugan yihiin geeri ama nolol, marka laga reebo Wiilka ay Meydkiisa suuqa soo dhigeen Ciidamada Itoobiya.
Laba toobaad ayey ahayd markii ay Ciidamada Wayaanuhu silig ku ceejiyeen nin Magaalada Dhagaxbuur si fiican looga yaqaano oo lagu magacaabi jirey Abu Faas. Ninkan ayaa ahaa nin maskaxda looga jiro oo aan fayoobeyn.









