Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Wararkii u dambeeyey ee Jiida hore ee Dagaalka

Wararkii u dambeeyey ee Jiida hore ee Dagaalka

E-mail Print PDF
Wararka  naga soo gaadhaya Gobolada Ogadeniya ayaa sheegaya in dagaalo xoogani  dhexmareen Ciidamada Xoreynta Ogadeniya iyo kuwa Wayaanaha. Sida warku sheegayo dagaaladan ayaa ciidamada Wayaanaha loogu geystey khasaare balaadhan oo isagu jira dhimasho badan iyo Gaadiid Milatari oo laga gubey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in bishan Jan 11, 2010 ay Ciidamada JWXO duleedka Wijiwaajo oo Gobolka Qoraxay ka tirsan ku gubeen 1 baabuur oo Ural ah iyo wixii saaraa, sidoo kale isla taariikhdaas iska hormaad ku dhexmarey Ciidamada JWXO iyo kuwa Wayaanaha Wijiwaaji waxaa Wayaanaha lagaga diley 2 askari.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran  ee JWXO ayaa duhurnimadii  bishan Jan 9, 2010  dagaal qorsheysan ku qaadey xerada Ciidamada Wayaanaha ee War Gaadsan oo ka tirsan Gobolka Jarar, dagaalkan ayaanaan ila hada haynin faahfaahintiisa. Sidoo kale bishan Jan 8, 2010  Horo Khaliifo oo Gobolka Jigjiga ka tirsan ayaa waxaa Ciidamada Wayaanaha laga diley  laga dilay 5 askari waxaa laga dhaawacay 6 kale, isla maalintaas Qaaxo oo ka mid ah Gobolka Jigjiga oo ay Ciidamada JWXO mireen ayaanan ilaa hada haynin faahfaahinta khasaaraha Wayaanaha soo gaadhey.

Dagaalo iyaguna ka dhacey Farlibaax oo ah Gobolka Jarar bisha Jan 7, 2010 ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Wayaanaha lagaga diley 10 askari iyo 5 dhaawac ah.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ayaa iyaguna sheegaya in bishan Jan  6, 2010 Ciidamada Wayaanaha oo maraya meesha lagu magacaabo Laan Yalaxle lagaga diley 3 askari iyo 7 dhaawac ah. Sidoo kale Jan 5, 2010 Bali Carab oo Nogob ka tirsan iyo Anane oo Jig Jigjiga ah ayey Ciidamda JWXO weerar ku ekeeyeen Ciidamada Wayaanaha oo aagagaas ka hawlgalayey, dagaalkaas ayaanaan ilaa hada haynin wax faahfaahin ah, inkasta oo lagu soo waramayo in Ciidamada Wayaanaha khasaare balaadhan loo geystey.

Dhinaca kale, dagaal ay iskaga horyimaadeen xoogaga JWXO iyo Ciiidamada Wataanaha bishan Jan 6, 2010 meesha lagu maagacaabo Laasoole oo Gobolka Qoraxay ka tirsan ayaa Ciidamada Wayaanaha lagaga diley 3 askari 2 kalena lagaga dhaawacey.

Wariyaheena Gobolka Doollo ayaa sheegaya in Jan 3, 2010 ay Ciidadmada JWXO ku gubeen 3 Baabuur oo 2 Ural tahay  iyo mid yar oo wadey Saraakiil Wayaane goobta lagu magacaabo Sacmadheer oo ka tirsan Doollo, dhamanaan Baabuurtaas wixii saaraa waxba  kama bad baadin.

Wararka ka imanaya Baabili ayaa sheegaya in dagaalo ka dhacay Baabili bisha Jan 2, 2010 Wayaanaha lagaga diley 4 askari iyo 3 dhaawac ah.

Wararka iyaguna ka imanaya Gobolka Shabeele ayaa sheegaya in bishii Dec 29, 2009 in Karinka Eegay oo ka tirsan Shabeele Ciidamada Wayaanaha lagaga gubay 1 Baabuur Ural ah, waxaana halkaas ku bas beelay Baabuurkaas iyo wixii saaraa.




Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Saturday, 16 January 2010 15:17 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 115 guests online