Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in 48 Saac ee tagay ay magaaladu bando tahay oo aynsan cidna ka bixin, cidna soo geli karin. Sida warku sheegayo Magaalada ayaa lagu soo daayey Ciidamo aad u tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Wayaanaha.Ciidamadan ayaa baadhitaano ka wada magaalada, waxaana la sheegay in Ciidamadaasi ay nin xanuunsanaya ay xalay Silig ku dileen. Marxuumkan ayaa naloog sheega in lagu naaneysi jirey Abu Faas. Dhinaca kale, waxaa la sheegay in Magaalada lagu shirinayo Maamulka Dabaqoodhiga 5 Degmo oo Dhagaxbuur laga xukumo.
Comments (1)

Write comment









guul iyo gobanimo ayaan idin leehay