Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Tuesday
Sep 30th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Xabsiga Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacdey fadeexadii Abu Ghraib oo kale

Xabsiga Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacdey fadeexadii Abu Ghraib oo kale

E-mail Print PDF

Maamul Goboleedka Bariga Soomaaliya ee Puntland ayaa beryahan wadey falgalo ka dhan ah Shacabka Ogadeniya ee ka soo barakacay xasuuqa ay Itoobiya ka wado Ogadeniya. Falgaladan oo maamulka Puntland ugu adeegayo Xukumada Itoobiya.

Faldambiyeedkii ugu dambeeyey ayaa dhacay bishan Oct 19, kadib markii 5 Wiil oo u dhashey Ogadeniya ay ka soo noqdeen wadanka Yeman ay Booliska Puntland xabsiga dhigeen. Wiilashan ayaa watey warqado ay soo siisay safaarada Soomaliya ee Yemen, waraaqadhaas oo la siiyo qofkii doonaya in uu dalkiisa ku noqdo.

Wiilashan ayaa mid kasta lagu xidhey qol gooni ah waxaana loo keenay sirdoonka Itoobiya, kuwaas oo inta dharka laga dhigey la mariyey ciqaabo kala duwan, isla markaana sawiro kala duwan laga qaadey iyaga oo qaawan si loo bahdilo.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadana naga soo gaadhey magaalada Booosan ayaa sheegaya in mid ka mid ah Wiilahaash loo gudbiyey dhinaca Itoobiya, kuwii kalena ku sii daba jiraan.

Dhinaca kale, Maamulaha Gobolka Puntlad Faroole ayaa qudbad uu jeediyey bisha Oct 21 ku sheegay in aysan shacabka Ogadeniya xaq u lahayn Soomaalinimada.

Ma'aha marki ugu horeysay ee maamulka Puntland ku kaco fal ka dhan ah Shacabka Ogadeniya, talaabadan waxaa ka horeeyey dhacdooyin hore oo badan oo ay dad shacab ah ugu gacan geliyeen Xukumada Itoobiya. Dhacdooyinkaas waxaa ugu dambeysay mid ka dhacdey Magaalada Garoowe Oct 8, (halkan ka dhegays) halkaas oo sirdooka Itoobiya oo ay weheliyaan Ciimada Puntland ay habeen saq dhexe ah weerar ku soo qaadeen guri ay degenayeen dad ka soo jeeda Ogadeniya oo qaarkood safaro yihiin kuwana meesha degenaayeen. Sirdoonka Itoobiya ayaa qafaashey laba niin, labo kalena si xun u dhaawacey. Labada dhaawaca ah ayey mid ka mid ah inta ay 15 nabar ku oo uu gawrac ku jiro ku dhufteen ugana tageen meyd ahaan meel magaalada duleedkeeda ah.
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 25 October 2009 21:03 )  

Video Feed

Frontline Club Oslo: Ethiopia

Frontline Club Oslo: Ethiopia from FILM.as on Vimeo.

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 148 guests online