Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters-ka ayaa si rasmi ah u bilaabay inay ka qayb qaataan dagaalada ka socda Ogadenya kadib markay adkaatay in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo dabaqoodhiyiinta ka garab dagaalama ay guulo ka gaadhaan halganka iyo dagaalyahanada ONLF,dagaaladii u dambeeyey ee beryahan ka socday gobolada ogadenya oo si aad ah loogu wiiqay ciidamada gumaysiga itoobiya ayay xukuumada gumaysigu ku go,aan qaadatay in la howlgaliyo ciidamada cirka si loo yareeyo khatarta iyo awooda dagaalyanahada JWXO.Saraakiil kamid ah ciidanka gumaysiga ee ka howl gala Ogadenya oo looga yeedhay xafiiska wasiirka gaashaandhiga Itoobiya ee magaalada Addis-Ababa ayaa ku warbixiyey in ciidanka qalabka sida ee xoreynta ogadenya ay maalin walba sii kordhayso tiradiisa iyo tayadiisuba ayna adag tahay in dagaal dhulka ah wax looga qaado waxaana samada gobolo kamid ah ogadenya lagu arkayay maalmihii u dambeeyey diyaaradaha miiga ah oo si xowli ah ku socda, iskudaygan xukuumada gumaysigu ay ku doonayso inay halganka kusoo afjarto duulaanka dhanka cirka ah ayay sheegeen khubarada milatarigu inay tahay talaabada ugu dambaysa ee ay dowlad u adeegsato jabhad ku kacsan ama gobinimoodba.
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radio Xoriyo
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (1)

written by buy online replica watches, February 09, 2012
Thank you very much for posting and sharing this great article. It is so interesting. I want to know some other information about this site. So please give me this news quickly. I always will be aware of you.
Write comment








