Taliska sare ee CWXO ayaa warbixinta baaqaas ku sheegay in ciidanka gumaysigu uu ku hayo dadweynaha aan waxba galabsan dhibaato farabadan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadnaha, waxaa kale oo uu baaqaas ku sheegay in ciidanka gumaysiga ee mooraal jabsan uu ku gaydhado dadweynaha deggan goobaha dagaalka oo inta badan lagaga gacan sarreeyo,iyagoo u gaysta falal dambiyeed ka dhan ah xuquuqda aadamaha .
CWXO ayaa ku guulaysatay abaabulo lagu sugayo sidii dadweynaha nugulka ah looga badbaadin lahaa falalkaa waxashnimo ee ciidanka gumeysigu u gaysanayo.
Baaqaas uu soosaaray taliska sare ee CWXO ayaa waxaa garab socotay digniin uu ka digay in cadowga Itoobiya markii uu ku guul daraystay goobaha dagaalka uu isku deyeyo inuu soo abaabulo wax magarad ciidankiisa jabay xabadda iskaga gudba.
Taliska CWXO ayaa wacad ku maray in cidkasta oo cadowga kasoosoka marta ay ka waraabinayaan waajibkiisa hadaysan ka waantoobin falalkaas ay ugu adeegayaan gumaysiga .
Dhanka kale Taliska CWXO ayaa baaqaas ku milicsaday inay jiraan shirkado ku hawlan boobka khayraadka dalka taas oo ay JWXO horey ugu digtay shirakadaha iyo wadamada laga leeyahayba ayna ku amartay in dadweynuhu ka foogaadaan shirkadahaa doonaya inay dhacaan khayraadka dalka Ogadenya taas oon loo dulqaadanayn.
Ugu dambayntii Taliska sare ee CWXO wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya inay isu taagaan xoreynta dalka hooyo siina laban laabaan halgankooda xaqa ah iskana ilaaliyaan inayna ku dhicin dabinada cadowgu u dhigayo.
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radio Xoriyo
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment







