Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Saturday
Sep 20th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Maxay Ogaadeenya ku xusuusan doontaa sannadkii 2012?

Maxay Ogaadeenya ku xusuusan doontaa sannadkii 2012?

E-mail Print PDF
Qalinkii Axmed Yaasin Cabdi
Qormada 1aad
Dhimashadii Meles iyo sida dadwaynaha loogu dullaystay
 
Akhristayaal waxaan jeclahay inaan halkan idiinku soo gudbiyo qormooyin dhawr ah oo aan ku eegayo raadka uu sannadka 2012-ku kaga tagay dadwayanaha Ogaadeenya. Waxaa hubaal ah in sannadka 2012, sida sannadihii kale, uu raad-reeb dheer ku yeeshay dadyowga adduunka ku dhaqan, oo dadwaynaha Ogaadeenyana ay ka mid yihiin. Waxaan haddaba jeclaystay inaan idinla wadaago dhawr qodob oo aan is-leeyahay waxay dadwaynaha Ogaadeenya ku reebeen raad xusuustooda ku soo degdega marka la soo hadal-qaado sannadka 2012.
 
Waxaa laga yaabaa in qof walba ay si ugu muuqato raadka ugu mudan in laga hadlo, laakiin anigu waxaan ka hadli qaar ka mid ah kuwo aan rumaysnahay inay yihiin dhuuxa dhacdooyinkii dadwaynaha soo maray sannadkii 2012.
Qaybta kowaad waxaan ku soo qaadan doonaa “Dhimashadii Meles iyo sida dawaynaha loogu dullaystay”.
 
Waxaan la soconaa in dhimashada Meles Zenawi ay khalkhal badan ku abuurtay gumaystada Itoobiya iyo dalalka reer galbeedka ee taageeri jiray labadaba, waxaana khalkhalkaas sabab u ahaa iyadoo uu Meles Zinawi ka dhintay dal uu awooddiisa oo dhan ku ururiyay gacantiisa, isla markaana ka dhaariyay inay cid kale la wadaagto. Mar hadduu isagii meesha ka baxayna waxay taladii dalku ku soo dhacday meel bannaan, iyadoo koox waliba ay dhinaceeda ka soo guntatay sidii ay ula wareegi lahayd, wallow ay talada ciidammada gacanta ku hayeen saraakiishii Tigreega ahaa ee uu ku naas-nuujin jiray. Tartanka noocaas ah ee markiiba dhashay wuxuu abuuray xasillooni darro siyaasadeed oo sababtay inay dalalka reer galbeedku, gaar ahaan Maraykanku, si toos ah faraha ula galo maaraynta xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya.
 
Haddaba, si xaaladdaas loo qariyo, waxay gumaysatada Itoobiya billowday mashruuc loogu ooyayo Meles Zenawi oo laga hirgeliyay Itoobiya oo dhan. Waxaa dadwaynaha lagu qasbay inay is-basaasiyaan oo murugo muujiyaan oo ilmo gacan ku-samays ah iska keenaan, oo waliba goobaha loo badan yahay isugu soo baxaan, si ay basaaskooda u muujiyaan. 

Dadka lagu qasbay inay baroor-diiqaan waxaa ka mid ah dadwaynaha Ogaadeenya oo lagu qasbay inay si wadar ah ugu ooyaan dhimashada ninkii dhibka ugu badan u gaystay intii ay taariikhda jireen. Waxaa magaalooyinka waawayn oo dhan laga hirgeliyay bannaanbaxyo loogu barooranayo oo loogu ducaynayo Meles Zinawi. Waxaa meelaha qaarkood dadka loo qaybiyay maryo madmadow oo dadwaynaha Ogaadeenya ayna dhaqan u lahayn. Waxaa sidoo kale loo dhiibay shumacyo daaran, oo aan hubo in dadwaynuhu ayna fahmin sababta loo wato.
 
Dadka maankoodu fayow yahay ee sida dhabta ah ula socda xaaladda Ogaadeenya daah kama saarna in dadwaynahan qori afkii lagu soo ururiyay oo lagu qasbay inay wax ka jilaan riwaayada ay gumaystada Itoobiya iyo adeegayaasheedu dhigayeen. In kastoo laga yaabo in oohintu ay dhab ka ahayd kooxda u adeegta gumaystada Itoobiya ee Ina Iley uu hormuudka u yahay, haddana waxaa hubaal ah in qof kasta oo reer Ogaadeenya ah oo tagay fagaarayaasha oohinta aanuu ikhtiyaarkiisa ku tagin, balse uu u tagay, si uu naftiisa iyo nafta ehalkiisa u badbaadiyo.
 
Haddaba, si aan xaqiiqada u iftiimino, aan wax yar ka tilmaano ninka loo ooyayo iyo raadka uu kaga tagay Itoobiya iyo Ogaadeenya.
Meles Zenawi wuxuu dalka Itoobiya ka talinayay 21 sano, hase yeeshee wuxuu kaga tagay wadci aan waxba ka duwanayn ama ka sii liita midkii uu ugu yimid. Meles wuxuu dalka Itoobiya ku hayay gacan bir ah, isagoo u samaystay sharciyo uu kula dagaallamo siyaasiyiinta aan la jeelka ahayn iyo dadwaynaha siyaasaddiisa ka biya-diida.
 
Ururrada xuquuqda aadanaha daneeya oo dhami waxay isku raacsan yihiin in xukuumadda Meles ay cadaadis aan caadi ahayn ku haysay mucaaradka. Sharciga la dagaallanka argagixisada ee la dejiyay sannadkii 2009-kii ayaa ka mid ah aaladaha ay xukuumadda Meles u adeegsan jirtay cadaadiska iyo cabudhinta dadka ayna isku siyaasadda ahayn. Claire Beston, oo baadhe ka ah Xafiiska Bariga Afrika ee Amnesty International, ayaa iyadoo ka hadlaysa Meles Zenawi, waxay tidhi “21-kii sano ee xukunka  Meles wuxuu tilmaan u yahay cabudhiskii ugu baahsanaa iyo tacaddigii xuquuqul insaanka ee ugu badnaa”. 
 
Waxay kaloo intaas ku dartay “Xukuumaddiisu waxay cagta hoosteeda galisay cod kasta oo baxi lahaa, waxay burburisay warbaahintii, waxay baabi’isay ururradii xuquuqul insaanka, waxayna cunaha qabatay siyaasiyiintii mucaaradka ahayd”.
Claire ayaa iyadoo wali ka sii hadlaysa dhaqan xumada xukuumaddii Meles waxay tidhi “Xabsiyada Itoobiya waxaa buux dhaafiyay mucaaradka dowlada oo isugu jira indheer-garadka reer magaalka ah iyo beralayda tuulooyinka deggan. Jidhdilka iyo si-xun ula dhaqanku waa wax iska caadi noqday. Dhaqaalaha dalka iyo kaalmooyinkana waxaa loo adeegsadaa aalad dadwaynaha lagu cabudhiyo. Tobannaan kun oo Itoobiyaan ah ayaana lagu qasbay inay dalka ka qaxaan muddadii uu talada hayay”.
Marka si qun ah loo eego xaaladda Ogaadeenya, dhibaatada ay Claire ka hadlayso waxay noqonaysaa “caano kugu daate”. Xasuuqa sida wadarta ah dadka loo laynayo, kufsiga, xidhayga, boobka hantida dadwaynaha, cunaqabataynta iyo cagajuglayntu waa waxyaabaha nolol maalmeedka looga dhigay dadwaynaha Ogaadeenya. Ciidammada gumaysatada Itoobiya waxaa loo fasaxay inay dadwaynaha Ogaadeenya ku sameeyaan cadaadis kasta oo ay maskaxdooda ka hindisaan. Waxay sannad walba soo hindisaan qaab cusub oo dadwaynaha loo cadaadiyo, si damiirka looga dilo.
 
Waxaan ogayn in dadka la dilayo loo isticmaalo silig lagu dabo, oo ah farsamo cusub oo ciidammada gumaystadu ay aad u isticmaalaan, wallow ay arrintaas markii hore u gaysay cabsida ay ka qabaan in xabbada shanqadheeda lagu soo raaco. Waxaan ogayn in dadka lagu qasbo inay ku dul-dhaanteeyaan maydadka dad ay yaqaanaan ama ehelkoodaba ah oo ciidammada gumaysigu xasuuqeen. Waxaan hadda aragnay qaab cusub oo dadwaynaha lagu dullaysanayo, oo ah inay fagaare ka qirtaan inay sameeyeen falal dhaqankooda iyo diintoodaba ka soo horjeeda.
 
In kastoo madaxda reer galbeedku ay taageeri jireen Meles, iyagoo danaha ay gobolka ka leeyihiin eeganaya, haddana waxay si dhab ah uga biya-diiddanaayeen siyaasaddiisa kali talisnimada ah. Wargayska Economists oo dhimashadii Meles ka faalloonayay ayaa qoray “Madaxda reer galbeedku waxay Meles ugu hanbalyaynayeen hal gacan, gacanta kalana sanka ayay kaga qabsanayeen”.

Waxaa la wada-ogyahay maydadkii uu Meles wadhay magaalada Addis Ababa dhexdeeda, ka dib markii lagaga adkaaday doorashadii 2005. Waxay xukuumaddiisu muddo kooban gudaheed ku dishay in ka badan 250 qof oo shacab ah. Waxay sidoo kale xabsiga u taxaabtay dad kumannaan gaadhaya oo aan waxba galabsanin. Waxay jeelasha u taxaabtay dhammaanba dadkii isaga ka soo horjeeday ee la soo doortay.  Adduunka laguma hayo xukuumad xabsiga wada-dhigtay dadkii la soo doortay ee xisbiyada kale u tartamayay oo dhan. Xukuumadda Meles ayaa taariikhdaas caalamka u astaysay.
 
Arrimaha lagu muujiyo cadaalad darrada iyo musuqmaasuqa Meles waxaa ka mid ah doorashadii 2010-ka la sheegay inay Itoobiya ka dhacday. Xukuumadda Meles waxay sheegtay inay 99% ku guulaysatay doorashadaas, oo dhammaanba dadkii ajnabiga ahaa ee u kuur-galayay ay sheegeen inaanay u dhicin si waafqsan nidaamka doorasho ee caalamiga ah. Meles wuxuu sannadihii denbe isku dayay inuu xidhiidh wanaagsan la samaysto waddanka Shiinaha, ka dib markii reer galbeedku ay canaan hoose ku billaabeen, hase yeeshee xidhiidhka uu Shiinaha la yeeshay wax naruuro ah kuma soo kordhinin Itoobiya, mana horseedin in shaqooyin loo abuuro kumannaanka Itoobiyaanka ah ee guryohooda ku dac-darraysan.
 
Dhaqaalaha Itoobiya laftiisu ma korin. Madaxda reer galbeedka ayaa sheega in dhaqaalaha Itoobiya uu koray muddadii uu Meles talada hayaya, hase yeeshee taasi waa mid aan ka muuqanin Itoobiya dhexdeeda ee ku kooban oo kaliya si-xun wax u xisaabinta (mis-calculation) ula-kaca ah ee la rabay in lagu suuxiyo ra’yul caamka, si loo badhi-gantaalo xukuumaddii Meles ee fashilantay. Qiima-dhaca (inflation) lacagta Itoobiya waxay sannad walba samaysaa sara-kac dhan 30%, taasoo saamayn aan caadi ahayn ku yeelatay, isla markaana burburisay nolosha dadka saboolka u badan ee reer Itoobiya. 87% ka mid ah dadwaynaha Itoobiya waxaa sannadkii soo gala dakhli aan ka badnay $1000, taasoo ka dhigan in dadkaasi ay maalintii isku fillaysiiyaan qiyaastii $3 doollar oo kaliya.
 
Bajadka Itoobiya, marka seddex meelood loo dhigo, meel ka mid ah waa caawimaadda ay deeq bixiyayaashu Itoobiya siiyaan. Waddan bajadkiisa ku salaynaya marba waxa dhiisha dawarsiga ugu soo dhaca, sidee loogu tilmaami karaa inuu dhaqaalihiisu kor u kacay. Bil-caksi, Itoobiya waa waddanka caawaimaada ugu badan la siiyo marka la eego wadammada Qaaradda Afrika ku yaalla oo dhan. Tusaala ahaan waddanka Maraykanku wuxuu sannad walba caawimaad (aid only) u bixiyaa $4 bilyan oo doollar. Ugu yaraan $1 bilyan oo caawimaadaas ka mid ahna wuxuu siyaa dalka Itoobiya.
 
Xukuumadda Meles waxay aad uga macaashtay dhulal badan oo ay ka iibisay sharikado iyo maal-qabeenno shisheeye ah. Sida la ogyahay in ka badan 4 milyan oo hiktar ayay xukuumadda Meles ka iibisay dadyow shisheeye ah, ka dib markii ay dadkii lahaa xoog kaga rartay.  Haddaba ninka raadkaas Itoobiya iyo caalamkaba kaga tagay, ma mudanaa in dadwaynaha loo bacad-joojiyo oo si muuqata iyo si qarsoonba loogu baroorto? Haddaan la is-qasbaynin jawaabtu way caddahay, waxaana hubaal ah dad aan 21 sano wax talo ah la waydiinin inaan markana warkooda la xeerinaynin. 
 
Ina Iley iyo kuwa la midka ah ee muslimiinta sheeganaya, haddana Meles u ducaynayana, ha ogaadaan inay naxariista iyagu u baahan yihiin, Toobadduna ay u furan tahay oo laga aqbali haddii ay ka waantoobaan denbiyada ay faraha kula jiraan, kuwii hore ka qoomameeyaan, haddana ballanqaadaan inaanay dib ugu noqonaynin.
Qormada denbe waxaan ku soo qaadan doonaa haddii Eebe idmo “Xasuuqii Miir-denbas”.


Axmed Yaasiin Cabdi
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
1 January 2013
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 01 January 2013 19:14 )  

Video Feed

Frontline Club Oslo: Ethiopia

Frontline Club Oslo: Ethiopia from FILM.as on Vimeo.

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 196 guests online