War naga soo gaadhey magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in shalay subax daal aad u xoogan oo ka dhacey meel u dhow tuulada Karinbilcile oo ku taalda duleedka Qabridahare.
Dagaalkan oo u dhaxeeyey Xoogaga Xornima doonka ee JWXO iyo Ciidamada Itooboya ayaa bilowdey kadib markii Ciiidamada gumeysiga ee Itoobioya oo u baxeen in ay shacabka degen aagaas soo gumaadaan, ayey Ciidamada JWXO dhabar jabin ku sameeyeen.Sida warku sheegaya dagaalkan ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 askari oo kale. Dhaawac ciidamada cadawga ayaa loola cararay Magaalada Qabridahare oo ah goobta ay ka soo duuleen.








