Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
Apr 17th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Gudiga Fulinta ee JWXO oo ka kulan isagu yimid

Gudiga Fulinta ee JWXO oo ka kulan isagu yimid

E-mail Print PDF

Guddiga Fulinta Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ayaa Kulan Sabtidii 19ka Oktobar 2012 isugu yimid Khadka-teleefoonka-kulanada. Kulanka oo muddo dheer qaatay ayuu Guddigu ku qiimeynayey Xaladaha Halganka xaqa ah ee dadka Somalida Ogadenya ugu jiraan madax banaadidooda, natiijadii ka soo baxday shirkii wadahadalkii istaagay ee u dhexeeyey JWXO iyo Itoobiya kana socday Nairobi iyo guud ahaan isbadalada ka jir Geeska Afrika.

Wuxuu Guddigu si weyn u bogaadiyey horumarka halganka uu gaadhay dhinac kasta. Waxaa hoosta laga xariiqay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo halganka dibad iyo midka gudahaba iyada oo aad loogu bogaadiyey amaan badana loo soo jeediyey CWXO oo runtii cadowga dalka haysta murugada weyn ku riday xarumaha laga maamulo.


Burburinta wadahadalka waxaa hubaal ah inuu ku ceeboobay Taliska Addis Ababa oo dhamaan xoogaga jecel cadaaladda iyo xoriyadda ay cambaareeyeen. Waxaa meela kala duwan oo caalamka ah iyo dadweynaha Somalida Ogadenya ay ugu hambalyeeyeen mawqifka JWXO oo ka turjumay dariiqa ugu haboon ee nabad lagu gaadhi karo.

Guddiga Fulinta wuxuu aad ugu faraxsan yahay sida ay shacabka u soo dhaweeyeen go’aankii uu qaatay wafdigii wadahadalka uga qaybgalay JWXO. Waxay Xubnaha GF ugu baaqayaan dhamaan shacabka S.Ogadenya inay sii laba-laabaan halganka ay ugu jiraan aaya-ka-tashigooda oy ogaadaan in Xoriyadda aan lagu gaadhin waxaan ahayn halgan dheer oo naf iyoo maalba loo horey.

Guddigu  wuxuu u arkaa in Somaliya ay ka socdaan isbeddelo taariikhi ah kadib doorashadii iyo hirgelintii hayadii qaranka iyo madaxdii ummadda taas oo u horseedi doonto dalka Somaliya iyo guud ahaan gobolka degenaansho iyo xasilooni. Wuxuu Guddigu u tahniyeynayaa Madaxda cusub ee Somaliya, wuxuuna Eebbe uga baryi inuu hawlahooda u fududeeyo.



Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 

Video Feed

Frontline Club Oslo: Ethiopia

Frontline Club Oslo: Ethiopia from FILM.as on Vimeo.

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 117 guests online