Wadahadaladii u dhexeeyey Xukumada Itoobiya iyo ONLF ee bishii Sept 6-7, 2012 ka bilwodey Magaalada Nairobi ayaa istaagey, kadib markii wareegii 2aad ee wadahalka oo bilowdey Oct 15-17 ayey xukumada Itoobiya miiska soo dhigtey shuruud ah in JWXO aqoonsato dastuurka Itoobiya. Shuruudaas oo u cuntami waydey Waftiga JWXO.
Wareegii hore ee shirka ee Sept 6-7, 2012 ayaa go’aamadii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in wada hadalka dambe la isagu yimaado si niyad samid ah oo shuruud la’aan ah, balse Xukumada Itoobiya ayaa burisay hesiiskaas hore.
Jaaliyadaha Ogaden ee qurbaha oo aad uga dhursugayey wada hadaladii u bilowdey Xukumada Itoobiya iyo JWXO ayaa Warbaahinta u soo diraya dhambaalo aad u badan oo Jaaliyadahu ku taageerayaan go’aanka geesinimada leh ee ay JWXO qaadatey.
Hadaba, Jaalidaha ay dhambaaladau naga soo gadheen ayaa waxaa ka mid ah Jaaliyada Ogaden ee Galbeedka Maraykanka oo ka kooban Jaaliyaddaha Ogadenia ee California, Colorado, Texas iyo Washington. Sidoo kale, Jaliyadaha Ogadenya ee ku dhaqan Gobolada badtamaha wadanka Maraykanka ee loo yaqaano “Midwest” oo ka kooban 12 Gobol ayaa iyaguna na soo gaadhsiiyey dhamaal ay ku muujinayaan taageerada buuxda ee ay u hayaan go’aamada JWXO ee ku aadan wadahalada istaagey ee u dheexeyey Itoobiya iyo JWXO.
Dhinaca kale, jaaliayadaha Ogadeniya ee Bariga iyo Koonfur Afrika oo kala ah Wadamada Koonfur Afrika, Angola, Swaziland, Botuswaana iyo xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa iyaguna na sooo gaadhsiiiyey dhambaalo ay ku taageerayaan mawqifka JWXO.
Waxaa xusid mudan in Waftigii JWXO ay saaxafada siiyeen areysi ku aadans abata kulankii u dhaxeeyey iyaga Itoobiya u istaagey.
Sidoo kale, qaar ka mid ah waftiga JWXO oo ka gaabsadey in magacooda la shaaciyo ayaa noo sheegay in ay dhambaalo ka heleen Safaarado badan iyo Ururo aan dawli ahayn, ku waas oo “soo dhaweysay hadafka JWXO ee ku aadan xal u raadinta qadiyada Ogadeniya”. Waxuuna Caalamku la dhacay sida cilmiyeyeysan ee JWXO u soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan wada hadalka.
Dhalinyarada OYSU ee dalka Kenya ay daqiiqado yar kadib markii uu istaagey wada hadalkii u dhaxeeyey JWXO iyo Itoobiya ay soo saareen hees ay shacabka Ogadeniya ku xusuusinayaan sababta ‘Hubka loo qaadey”.








