Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Aug 20th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Jaaliyaadka galbeedka Maraykanka oo taageero buuxda u diray go’aanka JWXO ee wada hadalka xukuumadda Ethiopia

Jaaliyaadka galbeedka Maraykanka oo taageero buuxda u diray go’aanka JWXO ee wada hadalka xukuumadda Ethiopia

E-mail Print PDF

Jaaliyaadka Soomaalida Ogaden ee galbeedka Maraykanka ama la’isku yidhaado West Coast waxay taageero buuxda u dirayaan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia go’aankii ay qaadatay isla markaana ay ku diiday iney saxiixdo dastuurka Ethiopia. Qodobkaas oo ahaa mid aan ku jirin qodobadii la isla afgartay wareegii koobaad ee wadahadalka isla markaana xukuumadda Ethiopia ay si cad u jabisay, sababayna inuu wadahadalku joogsado.

Haddaba dhamaan ururada bulshada ee jaaliyaadka West Coast sida ururada haweenka, dhalinyarada, odayada, wax garadka, culima awdiinka, shuyuukhda iyo aqoonyahanka waxay hambalyo iyo taageero buuxda halkaan uga diraayaan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia iyo go’aanka aday ee ay qaadatay. Waxaana ballan ku qaadaynaa inaan halganka sadex jibaarno hiil iyo hoona lagarab istaagno.

 

JWXO waxay garabka ku qaaday masiirka iyo aayaha ummadda Soomaalida Ogadenia iyo sidii xornimo taama ah loogu soo dabaali lahaa. Waxaana kusii dhiiri galineynaa ineysan marnaba ka tanaazulin ilaa hadafkaa laga gaadhayo.

Halganka ka socda Ogadenia ma’aha mid lagu raadinayo ka mid noqonshaha Ethiopia iyo dastuurkeeda ama jagooyin iyo maamul goboleed. Balse waa mid kusalaysan sidii la isaga dulqaadi lahaa gumeysigan boqolka sano xaqdarada inagu heystay. Halgankani wuu ka weynyaha xukuumada tigreega iyo dastuurka ay sameeyeen 1991kii, mana aha mid ina khuseeya. Sidaa daraadeed go’aanka ay JWXO hadda qaadatay ee ay ku diiday qaadashada dastuur kusheegga runtii waa mid baal dahab ah kagalaya taariikhda Ogadenia,

Ugu dambayn waxaan madaxda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia, ciidamada qalabka sida ee CWXO, shacabka gudaha Ogadenia, ururka OYSU iyo dhamaan jaaliyaadka dibadda kula dardaarmeynaa ineysan marnaba ka tanaazulin halganka ilaa laga gaadho hadafkii loo aas-aasay kaasoo ah hanashada xonimada Ogadenia. Waayo halganka maal, muruq iyo maskad ayaa loo soo huray, boqolaal kun ayaa u naf weydey, u agoontoowday, asay uqaaday ama u qaxday.

Qaadashada dastuurka Ethiopia iyo ka tanaazulka halganka wakhtigan xaadirka iyada oon hadafkiisa lagaadhin waa khasaare iyo jab iyo waliba caddaalad daro intii halyey ee ushahiiday waana mid aakhiro la inugula xisaabtami.

______________________________________________________________________________

-Jaaliyadda S. Ogadenia California
-Jaaliyadda S. Ogadenia Colorado
-Jaaliyadda S. Ogadenia Texas
-Jaaliyadda S. Ogadenia Washington

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 

Video Feed

Frontline Club Oslo: Ethiopia

Frontline Club Oslo: Ethiopia from FILM.as on Vimeo.

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 141 guests online