War naga soo gaadhey Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Odey 80 jir ah ay Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada hawaarintu ku dileen magaalada markey taariikhdu ahayd Sept 28, 2012.
Sida warku sheegayo marxuumkan ayaa lagu magacaabi jrey Aar Cabdulahi. Warku wuxuu intaas ku darayaa in marxuumkan sababta loo diley tahay wiil uu dhalay oo ka baxsadey Maleeshiyada hawaarinta ee ay Ciidamada Itoobiya u adeegsato gumaadka shacabka Ogaden







