Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Oct 31st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Warmurtiyeedkii Shirkii Jaaliyaddaha Ogaden ee 2012

Warmurtiyeedkii Shirkii Jaaliyaddaha Ogaden ee 2012

E-mail Print PDF

Toronto, Ontario, Canada.

9th July 2012

Shirweynihii Jaaliyaadka Ogaadeenya ee caalamka oo dhacay   intii u dhaxaysay 6-9 July 2012 oo ka dhacay Magaalada Toronto gobolka Ontario ee dalka Canada, ayna ka soo qayb galeen Jaaliyaddaha Somalida Ogadenya ee ka kala yimid 5 qaaradood ee  aduunka.

Shirkan oo socday 4 malmood ahaana shir sannadeedkii guud ee jaaliyadaha Somalida Ogadenya ayaa diirada lagu saaray laguna falanqeeyay qodobadan muhiim ah ooy ka mid ahaayeen;

Warbixino laga dhagaystay jaaliyaadka waxqabadkooda intii u dhaxaysay labada shir.

Qiimayn lagu sameeyay waxqabadka jaaliyaadka iyo habsami u socodka hawlaha halganka ee wadamada ay ka kal yimaadeen

Dood dheer iyo falanqeyn kadib wuxuu shirku gaadhay Go’aamadan hoos ku qoran:

In la horumariyo lana xoojiyo wada shaqaynta ay jaaliyaadku la leeyihiin dawladaha ay la nool yihiin, iyaga oo xidhiidho joogta ah la yeelanaya jaaliyaadka kale ee ay dalkaas ku wada noolyihiin.

In la sii horumariyo hufnaanta & tayaynta shirka sannadlaha ah ee ay jaaliyaadku isugu yimadaan, kaas oo loo arkay in uu waxtar weyn u leeyahay Jaaliyadka soomaalida Ogaadeenya ee caalamka.

In la xoojiyo xidhiidhka sokeeye ee aan la leenahay bulshada aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyo kuwa marwalba u nugul xuquuqul insaanka kana damqada tacadiga joogtada ah ee ay Itoobiya ka wado Ogaadeenya.

In ay Jaaliyadku xoojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin ururada xuquuqul insaanka, qareenada, iyo maxkamadaha ee qaada dambiyadda dagaalka.

In la xoojiya waxbarashada, hiddaha iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin shacabka soomaalida ogaadeenya.

Cambaarayn:

  1. Wuxuu Shirku Canbaaraynayaa xasuuqa iyo dambiyada bani’aadaminada ka dhanka ah ee gumaysiga Itoobiya mudada dheer ku hayso dadweynaha aan waxba galkabsanin ee soomaalida ogaadeenya.
  2.  Wuxuu Shirku dhaleeceeyay cunaqabataynta, dilka, dhaca, kufsiga, iyo barakicinta, ay Itoobiya ka wado wadanka Ogaadeenya.
  3. Wuxuu shirku si gaar ah u cambaareey bahdilka iyo ku tumashada jogtada ah ee lagu hayo Ugaasyada, iyo waxgaradka magaca ku leh bulshada oo uu si gaar ah gumaysigu u colaadinayo.
  4. Wuxuu shirweynuhu si weyn u cambaareeyay boobka iyo xatooyada qaawan ee gumaysigu shacabka ku hayo, dal iyo dibadba, gaar ahaa xawaaladaha iyo ganacsatada oo lagu qasbay in ay maalgaliyaan mashaariic beenaad uu wato gumaysiga Itoobiya.
  5. Wuxuu shirku cambaareeyay siyaasada guracan ee ay Itoobiya mudooyinkii dambe kula dhex wareegaysay jaaliyaadka soomaalida ogaadeenya ee qurbaha kuwaas oo ay ujeedada ka dambaysa tahay sidii ay u wiiqi lahaayeen midnimada iyo isku xidhnaanta bulshada.
  6. Waxaan uga digaynaa maamul goboleedyada Somaliya ee caadaystay ka ganacsiga shacabka somalida ogadeniya ee birmagayda ah in ay ka waan-toobaan falalka waxshinimo ee ay kula kacayaan walaalahooda somalida ogadenia si ay u raali galiyaan taliska dhiigyacbka ee TPLF.

Baaq:

  1. Shirku wuxuu beesha caalmaka ugu baaqayaa in ay shacabka soomaalida ogaadeenya ku tageeraan qadiyadiisa xaqa ah, isla markaana gumaysiga Itoobiya kula xisaabtamaan dambiyadda dagaalka iyo dambiyadda bani’aadamnimada ka dhanka ah ee uu ka galayo shacbka dulman ee soomaalida ogaadeenya.
  2. Shirku wuxuu shacabka soomaalida ogaadeenya ee Geesiga ah ugu baaqayaa in ay midnimadooda xoojiyaan, dardar horlehna galiyaan sidii ay uga xoroobi lahaayeen gumaysiga daashaday ee Itoobiya.
  3. Shirku wuxuu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay guud ahaan shacabka soomalida  Ogaadeenya dadaalka ay ku jiraan.
  4. waxuu shirku ugu baaqayaa in umada Somaliyeed ka digtoonaadaan xeeladaha gumaysi ee curyaamiyey midnimadooda iyo dawladnimadooda waana in aysan ogolaan in gumaysigu u adeegsado ka hortaga shacabka Ogadenia ee u halgamaya xaqooda.
  5. Shirku waxuu saxaafada Somaliyeed ee nooc walba leh  ugu baaqayaa inay ka waantoobaan u hiilinta gumaysiga Ethipoia  iyo aasida xaqa shacabka Somalida Ogadeniya.

Gebogababdii, waxay jaaliyaduhu isku afgarteen sidii loo hor marin lahaa halganka loogana digtoonaan lahaa tabaha cadowga ee maalin walba isbedbedalaya isla markaana ilaaliyaan midnimadooda. Waxay mahad balaadhan u soo jeedinayaan jaaliyadii shirka marti gelisay, gudigii qabanqaabada shirka iyo dhamaan kasoo qaybgalayaashii ka kala yimi dunida daafaheeda, sidoo kale waxaa hanbalyo loo dirayaa jaaliyada JOKA(Jaaliyada Konfur Afrika) oo ku guulaysatay inay qaadato martingelinta shir-sanadeedka jaaliyaddaha soommaalidda Ogadeenya ee sannadka 2013.

Midnimo, Iskutashi, Mintid.

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 115 guests online