Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Shir sanadeedkii Jaaliyada Ogaden ee Nebraska oo soo gabagaboobey

Shir sanadeedkii Jaaliyada Ogaden ee Nebraska oo soo gabagaboobey

E-mail Print PDF
Jaaliyada Ogaden ee NebraskaJaaliyada Ogaden ee Gobolka Nebraska ee cariga Maraykanka ayaa bishan Febraayo 2, 2012 isagu timid shir sanadeedkii Jaaliyada. Shirkaas oo ka dhacey Magaalada Lexington, ayaa wxaa ka soo qayb galay bulshi weynta Ogdeniya ee ku dhaqan Gobolka Nebraska.
Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayaa waxaa ka soo qayb galey mas'uuliyiin sare oo ka mid ah Madaxda Jaaliyaadka Marykanka u qaabilsan Xiriirka Jaaliyadaha. Mas'uuliyiintaas oo uu hor kacayey Mudane Mudane Axmed Rafle oo ay weheliyaan Xubno ka so coda Ururuka OYSU ee qaarada Waqooyi Amerika.

Kulankan ayey Jaaliyadu ku dhegaysatey warbixino isagu jira xaalada qalafsan ee Ogadeniya ku sugantahay iyo waajibaadka Jaalidaha dibada ka saaran sidii ay dhibaatada Ogadeniya u gaadhsin lahaayeen dunada Caalamka.

Hadaba, warbixinadaas kadib, waxaa goobta khudbado ka soo jeediyey Mudane Axmed Majeerteen iyo Mudane Maxamed Rashiid Sh. Cabdulaalaahi oo shirka kaga soo qay  galay isgaadhsiinta casriga ah.

Gebogabii shirka kadib, ayey Jaaliyada Ogaden ee Nebraska dooratey gudi cusub ooo hawsha Jaaliyada wada sanadka 2012. Gudiga cusub ayaa soo badnhigey qorshayaasha u degen ee ay  doonayaa  in ay fuliyaan sanadkan, kuwaas oo wacad ku maray in ay taageero dhan walba ah ka garab istaagi doonaana shacabka dulman ee Ogaden iyo halganka ayaakatashiga Ogaden ee JWXO hormuudka ka tahay.
Comments (1)Add Comment
0
http://www.christianlouboutin-onlinedirect.com/
written by christian louboutin, April 19, 2012
i am happy to find this post very useful for me, as it contains lot of information. I always prefer to read the quality content and this thing I found in you post. Thanks for sharing.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Thursday, 23 February 2012 06:14 )  

Video Feed

Video Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 66 guests online