Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Jun 19th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Jaaliyada Ogaden ee Minnesota oo shir ku qabatey Magaalada St Cloud

Jaaliyada Ogaden ee Minnesota oo shir ku qabatey Magaalada St Cloud

E-mail Print PDF

Kulan ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka OYSU ee Minnesota iyo Jaaliyada Ogaden ayaa bisan Feb 7, 2012 ka dhaca Magaalada St Cloud oo 75 Km u jirta Magaalooyinka Mataanaha ah ee St Paul iyo Minneapolis.

Shirkan oo looga hadlayey xasuuqa ama isir sooca ay xikumada Itoobiya ka wado Ogadenoya ayaa wxaaa marti sharaf u ahaa Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, mas'uuliyintiina oo laagu kala magaaabo Dan Doc Severson oo ah mushaax u tagaan aqalka sare ee Maraykanka (Senate) iyo John Pederson oo isaguna u sharaxan aqalka sare ee Gobolka MN.

Mas'uulitiinta Jaaliyada Ogaden iyo Xubnaha OYSU aaaa warbixin  tifaftiran  oa hadleysa xasuqua ka socda Ogadeniya madasha shirka ka soo jeediyey.

John Pederson ayaa waxa uu sheegay in uu ka xunyahayn falalka  foosha xun ee ay dowlada Ethiopia u gaysato shacabka Somalidda Ogaadeenya, wuxuuna balan qaday in uu soo hor dhigi doono lamaha kala duwan ee sharciga  gaboodfalada ka shaqeeya.

Dhinaca kale, Mudane lagu magacaao King Banaian oo isagana ah Mas'uul katirsan Xisbiga Jamhuuriga oo u tartamaya aqalak sare ee Maraykanka ayaa isagu muujiyay murugo, aadna uga xumaday xadgudubyada  shacabka Somalidda Ogaadeenya ay Ethiopia sida joogtada ah ugu hayso, isagoo  sheegay inuu dareemi karo dhibatoyinkan, maxaa yelay ayuu yidhi "anigu waxaan asalkayga ka soo jedaa Armeniya waxaana Maraykanka yimid awoowayaday oo kasoo cararay caadis iyo xasuuq:.

Mudane King Banaian wuxuuna intaas raaciyay "waan ogahay dawlada  Ethiopia waxa ay tahay waxaana idin sheegayaa in lagaadhay xiligii rajimku uu tagi lahaa, dulmanuhuna uu xoriyad ku noolaan lahaa".

Mas'uulkan oo wajigiisa ay ka muuqatay qiiro ayaa hadalkii ku soo gabagabeyay in lawada shaqeyo oo ay u bahantahay in gacamaha laysu qabsado sidi loo bad  badabadin lahaa cidwalba oo dulman.

Si kastaba ha ahaatee Mas'uuliyiintii shirka soo qabanqaabiyay waxay ka  warbixiyeen dhibaatooyinka baaxada leh ee gumaysiga Ethiopia uu shacabka  Somalidda Ogaadeenya ku hayo waxayna labada dhinac ee lulanku uu dhex maraya  isla meel dhigeen in lagu dadaalo sidii wada jir loogu istaagi lahaa waxaana  hoosta laga xariiqay in kulamada noocan ah la joogteeyo wada shaqayn dheeraad  ahna ay labada dhinac yeeshaan.

 

Video Feed

Displaced & Disenfranchised: The struggle of the people of the Ogaden,,,RX oo Wareysatey N/Hure Qari oo ka soo baxsadey Maleeshiyaa Liyu

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 45 guests online