Gudomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaden Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa kasoo jeediyay warbixin aad loogu baahna shirkii london ee 29 January 2012 lagu qabtay magalada London. Waxa uu gudomiyuhu ka xog waramay xaalada shacabka Somalida Ogaden ay ku suganyihiin waqtigan, isaga oo kasoo waramay taarikhdii halganka shacabka Somalida Ogaden uu bilowday iyo sababaha uu halganka Ogaden illaa waqtigan uu usocdo.
Waxaa hadalada Qudbada Gudomiyaha ka mid ahaa marku ka hadlayay sooyaalkii halgamadi soo jireenka ahaa ee Ururka ONLF dhaxlay Sidan.
Mabda’a Ururka ONLF waxa weeye in laga xoreeyo Ogadeniya Gumeysiga!
Gobanimodoonkii bilowday 1940kii iyo ka hor ayaa ka socda Ogadeniya!
Shacabka Ogadeniya ma ay u hoggaansamayaan Gumeysiga.
Somalida Dhibaatada ay iyagu iskuhayaan waxaa lamid ah Midkay ku hayaan Halganka Ogadeniya.
Sidoo kale Gudomiyaha waxa uu ka hadlay Shacabka Jammuhuriyada Somaliya iyo marxaladaha kala gadisan ee siyasadeed ee Burburku ugeystay waxaana kamid ahaa hadaladiisa ereyadan hoose.
Mabda’a Ururka ONLF waxa weeye in Somaliya Somali loo daayo.
Somaliya haddii faragalinta laga dhaafo hubaal weeye in muddo yar gudaheed inay ku xalinayso mashaakilka jira.
ONLF Iyo Ethiopia Waxa ka dhexeeya Daggaal Hubaysan.
Gudomiyaha Jabhada wadaniga Xoreynta Ogaden waxa si qotto dheer uu ugaga hadlay shirkan Mabda’a ururka ONLF ee ku aadan wadahadalka. Waxa gudomiyhu uu kasoo sheekeyay hagardaamooyin iyo khayamo badan oo ay dowlada Ethiopia soo geysatay isla markaasna ay si shirqool ah oo badheedh ah ay ku dishay ergooyin ururka ONLF wada hadal ugaqeyb galay hada ka hor. Maadama uu gumeysigu dilay ergadii uruka ONLF matalaysay ee wadahadalada uga qeybgashay hadda ka hor, waxa uu gudomiyuhu sheegay in ururka ONLF uu gaadhay go’aan ahIn aan Ethiopia lala hadal illaa la helo
1. Meel Ammaan ah oo lagu wada hadli karo iyo
2 Garab sadexaad oo dhexdhaxaadiya.
Waxa gudomiyhu uu shirkan ka caddeeyay in Ururka ONLF diyaar u yahay in uu la hadlo Ethiopia haddii ay Ethiopia fuliso shurudahaas kore kaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in marar badan ay suuqa soo gashay inay Ethiopia rabto wada hadal. Waxa uu shacabka Somalida Ogadeniya iyo taageraysha ururka ONLF uu u sheegay in aysan jirin illaa hadda wax wada hadal ah oo Ethiopia iyo Ururka ONLF ay miis kusoo wada fadhiisteen oo illaa hada dhacay. Waxa uuna u balan qaaday haddii ay dhacdo in shacabka Somalida Ogadeniya uu uruku la tashan doono oo aan waxba laga qarin doonin. Sidaas awgeed inaysan suuqa ka dhageysan waxyalaha cadowgu sheego.
Gudomiyuhu waxa uu shacabka Somalida Ogaden ee Halganka ku jira uu kula dardaarmay inay xoojiyaan halgankooda. Ethiopia iyo inaga waxa inaga dhexeeya daggaal- iyaguna waa gumeysi inana waxa aynu nahay gobanimo dirir sidaas awgeed waa in halganka la xoojiya oo dhankasta laga dadala.
Gudomiyaha waxa qudbadisa kamid aheyd in waqtigii Gumeysigu dhamaaday, oo caalamka hadda gumeysi loo dulqaadan karin, Goobo yar oo Ogaden kamid ah ayay kuso hadheen Gobahaasna waa ay ka dhamaaneysa dhowaan. Aduunka iyo bulshada Somaliyeed iyo Somalida Ogadeniyana waxa uu ugu baaqay in cadowgaas gumeysiga ah la iska kor qaado.
Hadaba Qudbadi Gudomiyaha iyo shirkii London ka dhacay qeybo kamid ah Filimka hoose ka boggo.










The quick camouflage net is from my local distributor and he gets it from Wholesale Camo Netting but how did it get to Belgium Camo Netting why iscamo netconsidered thecustom camo netting chocolate in the world? custom camouflage net chocolate that I used today to make your candy came from a long line of cacao seeds that became trees in the cheap camo nettingRain Forests more than 40 centuries ago. These trees were most probably discovered by the Incas who then traded the seeds to the Olmecs.