Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Kulan loogu gogol xaadhayo shirweynaha Jaaliyadaha Ogadeniya ee Caalamka oo ka dhacey Edmonton, Alberta Canada.

Kulan loogu gogol xaadhayo shirweynaha Jaaliyadaha Ogadeniya ee Caalamka oo ka dhacey Edmonton, Alberta Canada.

E-mail Print PDF

Kulan ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Ogaden ee Edmonton, Alberta , Canada ayaa Bisha Dec 31, lagu qabtey hotel ka mid ah Hotelada ugu caansan magaalada Edmonton, Ujeedada kulankan ayaa ahaa kaalinta ay Jaaliyda Alberta ka qaadan karto kalfadhiga Jaaliyadaha Ogadeniya oo  sanadakan loo qoondeeyey in lagu qabto Magaalada Toronot, Cannada, jalfadhigaas oo dhici doona xiliga kuleylaha.

Shirkan oo si habsami leh looga soo qayb gay, ayaa waxay dadweynihii goobta joogey ka soo kala safreen magaalooyinka Fort Macmuray , Calgary, Alberta iyo Toronto. Kasoo qayb gakayaasha ayaa waxaa ka mid ah Odey dhaqameedayada, madax ka mid a ONLF, aqoonyahano, dhalinyari iyo Ururuka Haweenka Ogadeniya ee Govlka Alberta iyo nawaaxigiisa.

Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaden ee Edmonto, Mudane Abdirahmaan ayaa ka warbixiyey wax qabadka Jaaliyda Edmonton ee sanadkii la soo dhaafey, wuxuuna wax ka taataabtey shaqooyinka horyaala  sanadka cusub, isaga oo tilmaamey in Jaaliyada Ogaden ee Edmonton si hagar la'aan ah u dhaqaale iyo niyadba u taageeri doonto kalfahdiga Jaaliyadaha Ogaden ee Calaamka.

Dhinaca kale, Kulankan ayaa waxaa  ka soo qayb galay Professor Mohamed Osman Hassan (Cismaan Gaab) oo ah Godoomiyaha Gudiga qaban qaabada Kalfadhiga Jaaliyadaa Ogaden ee sanadkan oo ka soo kicitimey Magaalada Toronto. Professor Mohamed Hssan ayaa warbixn dhameysiran ka siiyey dadweynihii goobta isagu yimid qaabka uu socdo qaban qaabdan Kalfadhiga Jaaliyadaha, isaga oo warbixintiisa ku soo bandhigey  qaab so jiidasho leh, wuxuuna adeegsanayey Power-point.

Professor Mohamed Haasan isaga oo adeegsanaya aqoonta uu leeyahay ayuu dadkii kulanka joogey la wadaagey kharasha loo qoondeeyey in uu ku baxo shirweynaha Jaaliyadaha, isaga oo mid, mid u kala dhig dhigey qaabka qarashakaasi ku baxayo. Sidoo kale oo sheegay in qorshaha sanadkan ee kulanka Jaaliyadaha si uu u noqdo mid guul dhala lagu tala jiro in 1 maalin dhan loo qoondeeyo dood cilmiiyeed dhexmarta aqoonyahano, si  loo qaadaa dhigo sababha ka dabeeya in bulsdhada caalamku jawaab ka bixin weydo dhibaatada Ogadeniya ka taagan, gaar ahaan waxaa si gooni ah loo qorsheeyey mid la xidhiidha kalfahdiga sanadkan ee Jaaliyadaha.

Professor-ka ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Jaaliyada Ogaden ee Edmonton yio guuda ahaan Jaaliyada Alberta. Waxa uuna tilmaamey sida  sida ay muhuum u tahay in Jaaliyadu si buuxda uga qabqaadato kalfadhiga Jaalidaha Ogadeniya ee Caalamka si uu kalfadhigu u noqdo mid midho guul ah dhala.  Jaaliyada Edmonton uu uu horkacyo Gudoomiyaha Jaaliyada, Odey dhaqameedyada, iyo aqoonyahanada ayaa dhinacooda ka muujiyey in ay taageero buuxda u hayaan Kalfadhiga, ilsa markaana waftti balaadhan u soo diri doonaan Kalfadhiga Jaaliyadaha ee sanadkan ka dhivi doona Toronto


Sawirada shirkan waan idinla wadaagi doonaa, marka ay na soo gaadhaan.

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Monday, 02 January 2012 05:54 )  

Video Feed

Video Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 65 guests online