Haddaba furitaankii xafladda ayaa dad weynihii soo buux dhaafiyeen daafaha madasha hall-ka. Waxaana in la xuso mudan qaabka hall-ka loo sharaxay oo ay ku dheehnaayeen astaantii calanka Soomaalida Ogadenia lagu yaqaaney ee cagaar, buluug iyo guduud.
Furitaankii shirka ayaa waxaa furtay xoghayaha ururka isla markaana ahayd xidhiidhiyaha shirka marwo Hinda Yusuf Sheikh oo iyadu dad weynihii munaasabada kusoo dhawaysay.
Aayadaha qur’aanka kariimka iyo qadar yar oo alle is-xasuusin ayaa waxaa soo jeedisay marwo Caasha Yusuf.
Waxaa kadib microphone-ka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha ururka Haweenka Soomaalida Ogadenia marwo Fadumo Mohamed oo iyadu markale gacmo furan dad weynihii kusoo dhaweysay. Marwo Fadumo ayaa dad weynihii si faah-faahsan ugu sharaxday sababta ururkan loo aas-aasay, ujeedaduna ahayd sidey u garab istaagi lahaayeen dadkooda dhibaataysan.
Hadaladii gudoomiyaha ayaa waxaa ka mid ahaa “Walaalayaal waxay ummaddeenu in muddaha ku jirtay gumeysi, cadaadis iyo cadaalad darro, hadana loogu siidaray xasuuq, kufsi, dil, dac iyo barakicin. Waxa ugu wayn ee ay dhibaatadani saameynaysana runtii waa haweenka iyo caruurta waayo wey fududahay sidii lagu waxyeeleyn lahaa”. Waxaa kale oo marwadu intaa raacisay ujeedada shirkan loosoo abaabulay “Shirkani wuxuu inoo suurta galinayaa hadaan nahay haweenka Soomaalida Ogadenia ee San Diego” ayey tiri iyada oo hadalkeedii sii wadata “ inaan 1. Isbaranno 2. Wada xidhiidhno 3. Kala war qaadanno 4. Wada tashanno”. Waxay kaloo intaa raacisay kamid noqon shaha ururka iyo muhiimada ay leedahay “ururnimadu waxay inoo suurta galinaysaa inaan hal cod yeelano, awood nalugu dhageysto yeelano, iyo waliba fursad aan ugu soo bandhigno bulshada ama dawladda aan la dagan nahay dhibaatooyinka ka jira dhulkeena hooyo”
Waxaa kadib lasoo bandhigay video-yo iyo sawiro muuqaal ah oo ka turjumaya shacabka ay Ciidamada Dawladda Ethiopia jidh-dileen iyo kuwa ay barakiciyeenba.
Waxaa kale oo iyaguna goobta khubado qiima leh kasoo jeediyey marwo Raxmo Nur, Eedo Shukri, iyo Marwo Xaliimo Cali oo iyagu dad weynihii qiira galiyey. Qaar ka mid ah marwooyinkan ayaa iyagu si shaqsiyan ah u soo gaadheen tacadiyada iyo xasuuqa ay dawladda Kaligii Taliye Zanawi ku hayaan shacabka Soomaalida Ogadenia.
Ugu dambayn Marwo/Eedo Xaaliimo Guuleed ayaa gabayadeedii iyo luuqdeedii macaanayd ee looga bartay dad weynihii kuraasta kaga kicisay.
Munaasabadan ayaa waxay ahayd mid aan nooceeda oo kale wali San Diego looga arag isla markaana la rajeynayaa iney wax weyn kabadasho umadda Soomaalida Ogadenia ee magaaladan.
Waxaa mahad celin leh dhamaan xubnaha ururka Haweenka Soomaalida Ogadenia iyo maamulka Jaaliyadda Ogadenia ee suurta galiyey munaasabadan.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








