Waxaa todobaadyadii ina soo dhaafay magaalada San Diego ee gobolka California kasocday abaabul xooggan oo ay waddo Jaaliyadda Soomaalida Ogaden. Abaabulkan ayaa waxa uu ahaa mid nidaam iyo maamulo cusub loogu dhisayey ururrada bulshada ee jaaliyadda. Hadaba waxaa si rasmi ah maamulo cusub loogu dhisay ururka Haweenka Soomaalida Ogaden iyo ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogaden (OYSU) ee California. Dhismaha maamuladan cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa xidhiidhiyaha jaaliyaadka galbeedka Maraykanka mudane Ahmed Ali Yusuf, gudoomiyaha Jaaliyadda Ogadenia ee San Diego mudane Abdirahman Mohamud Sheikh Abdi iyo madaxa hogaanka arrimaha bulshada mudane Abdicasiis Abdi Ali Abshir.
Waxaa iyaguna shirarkan khadka taleefanka kaga qayb galay gudoomiye ku xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaden Mudane Mohamed Ismail Omar iyo gudoomiye ku xigeenka Hogaanka Arrimaha iyo Abaabulka Bulshada (HAAB) Mudane Gamaadiid. Mudanayaashan ayaa iyagu aad ugu farxay hawlaha ay ururradani wadaan kuna sii dhiiri galiyey isla markaana waraysi dhan walba ah siiyey.Hadaba ururradan ayaa waxay ballan ku qaadeen ineysan nasanaynin ilaa xal waara loo leho shacabkooda dulman oo in mudda’ah dawladda kaligii taliye Zenawi ay cuna-qabatayn iyo xasuuq ku hayso. Waxayna hadda ku howlan yihiin qaban qaabinta iyo abaabulka shirar waawayn.
Ururka haweenka ayaa iyagu waxay qaban doonaan haddii alle idmo munaasabad ay ugu magac dareen “Kulanka Haweenka Soomaalida Ogadenia ee San Diego” waa khamiista Dec. 22 5pm-10pm iyo East African Community and Cultural Center.
Ururka dhalinyarada ayaa iyaguna sidoo kale waxay qaban doonaan haddi alle idmo munaasab ay ugu magac dareen “The Hidden Genocide in the Ogaden Region” waa Jimcaha January 13, 2012 5pm-8pm iyo isla East African Community and Cultural Center.
Faah-faahin dheerad Faah fadlan la xidhiidh-Ogaden American Community of San DiegoOACSanDiego@gmail.comOgaden Youth & Student Unionhttp://www.oysu.org/
Comments (1)

Write comment









The quick camouflage net is from my local distributor and he gets it from Wholesale Camo Netting but how did it get to Belgium Camo Netting why iscamo netconsidered thecustom camo netting chocolate in the world? custom camouflage net chocolate that I used today to make your candy came from a long line of cacao seeds that became trees in the cheap camo nettingRain Forests more than 40 centuries ago. These trees were most probably discovered by the Incas who then traded the seeds to the Olmecs.