Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogaden ayaa maalintii Sabtida ee Nov 19, 2011 shirar ku qabtey ugu yaraan 25 wadan oo ku yaala Caalamka. Shirarkan oo ahaa shirar aad loo soo agaaismayey ayaa waxa warku sheegayaa in looga hadley waxqabadka dhalinyarada ee bilihii la soo dhaafey iyo shaqooyinka dhalinyarada u jeela ee mustqablka dhaw yo midka fog oo dhamaantood lagu gorfeeyey kualamaii ka dhacey meelo badan oo calamka ka mid ah.
Wariyeheena Magaalooyka Mataanaha ee MInneapolis iyo St Paul ee Gobolka Minnesota ayaa sheegayaa in u Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogaden ee Minnesota ay shalay oo bishu ahayd Nov 19, 2011 ay shir balaadhan oo si heersare ah loosoo abaabulaykuqabtay xarunta Sabathani Community center ee magaalada Minneapolis ku qabteen. Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaaa qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyada Ogaden ee Gobolka. Masuulinyinta Ururka dhalinyarada ee Gobolka Minnesota ayaa halkaas ku soo bandhigey wax qabadkooda iyo arimaha ku soo foodleh ee ay rabaan in ay mustaqbalka dhow iyo midka fog qabtaan dheerba kayoolgaadhaan. Sidoo kale waxay dhalinyaradu ku lafa gureen shirka sidii ay uga qayb gali lahaayeen isla markaana kaalin firfircoona uga qaadan lahaayeen shirweynaha Ururka OYSU ee kad hici doona wadanka Germany dhamaadka bisha December ee fooda ina gu soo haysa.
Sidoo kale, Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo ay qayb ka ahayd baroordiiq lagu xusayay xasuuqa aan kala go lahayn ee loo gaysto shacbka dulman ee Ogaden ee ku hoos jira gumaysiga dooxatada ah ee Itoobiya. Baroordiqan ayaa si gaar ah waxaa loogu xusayay xasuuqii naxdinta badnaa ee Nov 15, 2005 loogu gaystay maxaabiisi ku xidhnayd magaalada Qaridahare, kuwaaas oo u badnaa dhalinyaro aad u da' yarad.
Ururka Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee Uk ayaa si aan la qiyaasi karin uga kala yimida dhamaanba Gobalada uu kajiro Ururkani iyagoo ay dhalinyartu muujinayeen sida ay uga xunyihiin falalka gabood falka ah ee ay xukuumada TPLF u gaysanayso shacabka aan waxba galabsan ee Ogadeniya. Hadaba kulankan oo uu hogaaminayay xoghaya OYSU UK mudane Salad c/laahi ayaa waxaa lag usoo bandhigay warbixino kawaramayay dhacdadaas Qabridahre oo ay soo jeedinayeen xubno kazoo badbaaday maalintaas xasuuqu dhacay.
Madasha kulanka ee UK ayaa waxaa lagu soo bandhigey warbixin maqal & muuqaal ah oo ay soo bandhigeen xubnaha OYSU ee u qaablisan Xuquuqu Insaanka ee loo yaqaano (Silent Cry Team). Filimka ayn dhalinyaradu soo bandjigeen ayaa ahaa mid ahaad u xanuun iy tiiraanyo badan, wuxuuna ahaa Filim ka turjumaya xasuuqa baahsan ee loo gaysanayo shacbka Ogaden.
Dhinaca kale, Dalka Holand ayaa waxaa isna ka dhacey kulan loogu magacdarey "Daah fur" oo ay soo agaasimeen Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogaden ee dalka Netherland. Xafladan oo ayaa lagu gabtay hool ku yaala ku magaalada Den bush, xafladdaas oo daba socotay xafladaha OYU ku qabteen.
Marwo farxiya oo ah xoghayaha Ururka OYSU ee dalka Holand oo xafladaas furtay ayaa hadal qiiro leh ka jeedisay, waxayna u mahad celisay xunaha ururk OYSU Holand oo ay sheegtay inuu wax qabadkiisu muuqdo mudadii yarayd ee ay jireen. Sidoo kale, waxaa kale oo ay sheegtey in ayna dhalinyradu u dulqaadanaynin cid kasta oo isku dayda inay majara habaabiso fikirka dhalinyarada Ogadeniya, kuna beerto afkaarta gumaysiga.Marwo Farxiyo waxay ka hadashay ujeedada xafladan ay maanta qabteen oo ay ku sheegtay "Daah fur" ku saabsan wargalin in dhalinyada lagu war galiyo in filimkii Silent Cry uusan istaagin, isla markaana lagu taageero filimkaas si loo gaadho ujeedadii laga lahaa oo ah in bulshada si muuqaal ah loo tuso tacadiga gumaysiga Itoobiya uu ku hayo bulshada Ogadeniya.

written by Bashir, November 23, 2011
written by Bashir, November 23, 2011
written by Ciilqabe, November 24, 2011
written by Onitsuka Tiger Olympos, November 25, 2011
written by joining shackle, March 26, 2012
The quick camouflage net is from my local distributor and he gets it from Wholesale Camo Netting but how did it get to Belgium Camo Netting why iscamo netconsidered thecustom camo netting chocolate in the world? custom camouflage net chocolate that I used today to make your candy came from a long line of cacao seeds that became trees in the cheap camo nettingRain Forests more than 40 centuries ago. These trees were most probably discovered by the Incas who then traded the seeds to the Olmecs.








