Ururka Midowga Ardeyda Ogaden -OYSU qabtiisa UK ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimey la yeeshay Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka UK qaybteeda Bariga iyo Badhtamaha Afrika. Kulankan oo dhacey Maalintii isniinta ee Oktober 17, 2011 ayaa ahaa mid looga hadlayey xaalada Ogadeniya iyo xad gudubyada ay Xukumada Itoobiya u geysato shacabka Ogaden
Ururka Midowga Ardeyda Ogaden ayaa wxaaa matalayey xubnaha kala ah Bashiir Cabdi Gurey, Suleekha Duhod iyo Bashiir Xasan, dhinaca Wasaarada Arimaa Dibada ee UK waxaa ka socdey Madaxa Bariga iyo Baramaha Afrika oo lagu magacaabo Martin Child iyo xubin kale o isna ka tirsan isla Wasaarada Arimaha Dibada oo lagu magacaabo Alen Wilson.
Xubnaha OYSU aya soo badhigey qoraal dheer yo Warbixin Cabasho ah oo ay kaga cabanayaan sda ay Dawlada Ingiriisku aysan uga hadal xasuuqa ka socda Ogaden, ilsa markaana ay aduunka kale ugu mashquul santahay. Sidoo kale, waxay xubnaha OYSU tilmaameen in wadanka UK ay ku nool yhiin kumanaan ka soo barakacay Ogaden oo haysta dhalashada wadanka UK, kuwaas oo ka tiiranyeysan dhibaatada ehelkooda lagu hayo iyo sida ay dawladooda (UK) isaga indho tireyso isir sooca ka socda Ogaden.
Waftiga ka socdey Ururka Midowga Ardeyda ee Ogaden ayaa xasuusiyey Madaxada wasaarada Arimaha Dibada iyo shacabka Ogadena lagu gumaado deeqada ay dawlada UK siido Itooboya, waxayna ka codsadeen dawlada UK, in ay jooiso deeqda ay siiso Itoobiya, isla markaana ka hadasho xad gdubyada bani'aadamnimada ka baxsan ee Maamulka Meles Zenawi kula kacao shacabka Ogaden.
Mas'uuliyinta ka socotey waaxada Arimaha Dibada ee UK ayaa si habsami leh u qaabiley warbixinadii iyo cabashoyinkii ay dhalinyardu u soo jeedisay, waxayna balan qaadeen in ay daba gal ku sameynayaan, isla markaana diyaar u yihiin sidii wax looga qaban lahaa xaalada murugsan ee ka taagen Ogaden.
Kulanka ayaa la dhalinyarada OYSU rajeynayaa in ay kasoo baxdo natijo horumar balaadhan u leh geedis ocodka halganka shacabka somalida ogaden ugu jiraan aayo katashigooda.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








