Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Ogaden Seminar Jaaliyadaha Geeska Afrika ugu dhamaadey Wadanka Jarmalka

Seminar Jaaliyadaha Geeska Afrika ugu dhamaadey Wadanka Jarmalka

E-mail Print PDF

Seminar  ku saabsan xaaladda Geeska Africa ooy si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaaliyaadka Somalida  Ogaden; Oromada iyo Eritrea ee ku nool dalka Jarmalka ayaa ka dhacay magaalada Offenbach, dalka Jarmalka, 15kii bisha Oktobar, 2011. Seminaarka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa si qoddo dheer loogu falanqeeyey xaalad Geeska Afrika  ku sugan yahay iyo qulquladaha iyo deggenaansho la'aanta uu taliska Itoobiya ku hayo.

Mudane Cabiraxmaan Cabdullahi ayaa Seminaarka furay, wuxuuna isaga oo afka Jaaliyadda Ogadenya dalka Jarmalka ku nool ku hadlaya ugu mahad naqay marti sharaftii ka soo qayb gashay Seminaarka wuxuuna si kooban u sharaxay ahmiyadda uu Seminaarkani u leeyahay shucuubta ku nool Geeska Afrika iyo ujeedadiisa oo ah in la helo iskaashi ay iska kaashadaan cadowgooda midka ah ee Gumeysiga iyo gardarada Taliska Itoobiya. Soo dhowentii iyo furintaanka Seminaarka kadib waa warbixin faahfaahsan wax qabadkii Jaaliyada Ogaden ee dalkka Jarmalka ka bixiyey Maxamed Cadde. Wuxuu sheegay in hawlaha jaaliyaddu ah tahay abaabulka Somalida Ogaden ee ku nool dalka Jarmalka, la socodsiinta dawladda iyo dadweynaha Jarmalka qaddiyadda Ogaden  iyo dhibaatada shacabka cadowgu ku hayo. Sida oo kale, waxaa warbixino faahfaahsan ka soo jeediyey guddoomiyeyaalka Jaaliyadaha Oromiya iyo Eritrea wax qabadka jaaliyadahooda iyo guulaha ay gaadheen. Waxay dhamaan hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo inay sii horumariyaann iskaashiga saddexda Jaaliyadood dhinac kasta.


Warbinada Jaaliyaadka kadib ayaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha Mudane Xasan Macallin oo ku hadlay magaca Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaden (JWXO), halkaas oo uu ka soo jeediyay war bixin aad u qoto dheer oo ka xog waramaysa guud ahaan geeska Africa iyo gaar ahaa xaalada uu shacabka Ogadenya ku sugan yahay iyo guulaha halgankoodu gaadhay. Halgame Xasan waxaa kale oo uu si  waafiy ah uga hadlay in ay lagama maarmaan tahay in ay iska kaashadaan dadyawga gumaysiga Ethiopia ku hoos nool iyo kuwa ay Ethiopia cadaadsiba si xukunka looga tuuro taliska argagixisada ah uu madaxa ka yahay kaligii taliye Meles Zenawi.

Waxa kale oo uu halgame Xasan si wayn uula dardarmay dadkii ka soo qayb galay seminarkan gaar ahaan kuwii ka soo jeeday jamhuuriyada Soomaliya oo uu ka codsaday in ay taageeraan halganka xaqa ah ee gumaysatada Ethiopia lagula dagaalamyo.

Waxaa isaguna warbixin dheer ka soo jeediyey Seminaarka Mudane Sifaf oo ergada ka socda dalka Eritrea. Sifaf wuxuu si mug leh uga xog waramay halgankii Eritrea iyo sababaha ay ku guuleysteen oo ah midnimada shacabka Eritrea. Wuxuu ka warbixiyey xaaladda maanta dalka Eritrea marayo iyo gumeysteyaalku tabaha ay adeegsadaan si ay u cimiri dheeraystaan. Wuxuu Mudanne Sifaf balan qaaday in Eritrea ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadyowga dulman ee ka midka yihiin Somalida Ogadenya iyo Oromo. 
  Seminarka Jaaliyadaha Geeska Afrika wadanka Jarmalka
Waxaa isna warbixin balaadhan ka soo jeediyey Mudane Mezgebu Effa, oo ku hadlay magaca ururaka  OLF . Mudane Effa waxa oo si faahfaahsan uga hadlay dhibaatada uu ururka EPRDF ku hayo dadka Oromada ah iyo sidii ay heeryada gumaysiga isga tuuri lahayeen. Wuxuu caddeeyey in halgankii iyo kacdoonkii shacabka Oromadu meel fiican marayo.

Waxay ka qayb galayaasha iyo ergooyinku hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in si taabo gal ah laysu kaashado, lana fashiliyo qorshe dhagareedyada cadowga Itoobiya maleegayo.

Muddadii  uu socday Seminaarka waxaa si talan-taali ah heeso waddani ah iyo dhaanto u qaaddayey koox fanaaniin ah oo uu horkacayo fanaanka weyn Cabdi Baadil iyo Jigjiga iyo Darwiish.

Wuxuu Seminaarkii ku soo gabagaboobay guul qayb weyn ka qaadan doonta horumarinta iskaashiga jaaliyadaha Geeska Afrika
 ee ka soo horjeeda gumeysiga iyo in shacab shacab kale dulmiyo.
Comments (2)Add Comment
0
Garden Sheds Sale
written by Garden Sheds Sale, November 16, 2011
This is genius post, I learn a lot in your blog. Your topic is superb and useful for us. Thanks for sharing this.
0
Real Estate Palmerston North
written by Real Estate Palmerston North, November 17, 2011
This was a useful post and I think it is rather easy to see from the other comments as well that this post is well written and useful. Keep up the good work.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Monday, 17 October 2011 13:37 )  

Video Feed

Video Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Related Items

Who's Online

We have 60 guests online