Shirkii Qaramada Midoobay (QM) ee ku saabsanaa arrimaha umadaha dulman ee laga tirada badan yahay ee ka dhacay xarunta QM ee Geneva intii u dhaxeeysay 14-15ka bishan Decembar ayaa sidaan horey u tabinay waxaa ka qeeyb galay inta badan doowladaha xubnaha ka ah QM, heeyadaha caalamiga ah ee xuquuqda dadyoowga dulman, qubaro ku xeel dheer xal u helida dhibaatooyinka umadaha gumeeysiga ku hoos jira iyo heeyado maxali ahba.
Heeyada caalamiga ah ee dhoowrida xuquuqda aadanaha ee African Rights Monitor (ARM) oo aay wehliso Ururka kale ee matala dadyoowga ama umadaha aan doowladaha lahayn ee UNPO ayaa iyagu ka mid ahaa wufuudii shirkan xaadirka ku ahaa. Warbixin dhameeystiran oo aay ARM madasha shirka ka jeedisay ayaa xustay sida xaqdarada ah ee aay itoobiya ku xeen daabatay wadanka Ogaden aduunka looga yaqaan, taariikhda Ogaadeenya iyo ku xadgudubyada doowladihii kala duwanaa ee itoobiya oo aay ka mid tahay tan maanta jirta ee gacan ku dhiigle Zenawi had iyo jeer kula kacayaan shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ee gumeeysi diidka ah.
Warbixinta ARM oo aad wufuudii shirka fadhisay dhagaha u raaricinayeen ayaan waxba ka tagin dhinac walba iyadoo soo bandhigtay sida itoobiya aanay wax heshiis ama xuquuq ah u dhoowrin. Xuquuqaha itoobiya sida badheedhka ugu tumano ayaa waxaa ka mid ah xaqa umada Soomaalida Ogaadeenya u leeyihiin aayo ka tashigooda tan oo ah xaq umadaha gumeeysiga ku hoos jira sida umada Ogaadeenya oo kale leeyihiin kuna cad dastuur ku sheega itoobiya iyo charterka QM. Waxaa kaloo intaa dheer iyada oo talisyada kala duwan ee itoobiya soo mara dhamaantood ka siman yihiin xasuuq, dil, dhac, kufsi iyo baro kicin aay u geeystaan shacabka Ogaadeenya.
ARM ayaa madasha shirka ku soo bandhigtay in itoobiya Ogaadeenya ka dhigtay xiro milatari oo xeen daaban, ogoleena joogitaanka heeyadaha caalamiga ah halkaas oo aay ka wado isir baabi’in la mid ah mida ka dhacday Daarfuur is la markaana si sharci daro ah kaga qaadata hanti wadamo shisheeye si markaa si qasab ah kaga manaafacaadsadaan kheyraadka Ogaadeenya ceegaaga ee umadii lahayd ka gaajeeysan yihiin.
Recommendationo ururku gudbiyay ayaa lagu xusay in UNta iyo doowladaha itoobiya quudiya ku qasbaan in Ogaadeenya loo furo heeyadaha iyo warbaahinta caalamka si indhahooda ugu soo arkaan baaxada eey la’eg tahay gabood falka itoobiya geeysatay is la markaana la yagleelalo gudi caalami ah oo badax banaan sidii kal hore dhamaadkii 2007 QM ku baaqday lana gaaray dhamaadkii naas nuujinta itoobiya.
Shirkadaha shisheeye ee daneeynaya kheeyraadka Ogaadeenya waa in eey helaan ogolaanshaha iyo kalsoonida shacabka ee ma aha in itoobiya dhaqaale siiyaan, dhaqaalahaa oo aay u isticmaali doonto xasuuqa shacabka ayeey warbixintu ku dartay. Warbixintan qiimaha badan ayaan halkan lagu soo koobi karin. Dadaalada faraha badan ee aay heeyadaha xuquuqda dadyoowga dulman ayaa sandkan aad diirada u saaray arinta Ogaadeenya iyadoo miro dhalkii dhaqdhaqaaqyadan laga dareemayo xarumaha caalamiga ah ee dunida iyo madasha aay ku kulmaan doowladaha ugu tunka roon dunidan.
Wufuud kale oo kala socotay qoowmiyadaha Oromia iyo Gambella ayaa iyaguna goobta ka soo jeediyay warbixo xasaasi ah oo ku saabsan xasuuqa taliska itoobiya umadahooda kula kacayo.

written by halgame, December 25, 2010








