Waxaa shirkaas war bixino kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin sare oo ururka ONLF, gudoomiyaha jaaliyada soomaalida ogaden ee wadanka Denmark ,odayaal ,hooyooyin,salaadiin, aqoonyahano iyo dhalinyaro.
Shirkaas waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada Denmark Mudane Xasan Macalin isaga oo ku nuuxnuuxsaday sida habsamida ah ee jaaliyadu u shaqayso iyo waxii ay qabatay 2sano ee la soo dhaafay. xildhibaanadii meesha ka kala hadlay waxaa ka mid ahaa Halgame C/qaadir C/llahi(Gamaadiid) iyo aqooyahanka weeyn ee looga bartay inuu u ololeeyo danaha dadka Soomaaliyeed iyo shacabka dulmanan ee Soomaalida Ogadenia dr Axmed Ducaale oo halkaas ka soo jeediyaya hadalo qiiro leh oo ka soo qaybgalayaashii shirka aad u raali galiyay, sidoo kale waxaa hadal qiiro leh oo badalay dhamaan dadkii shirka ka soo qayb galay ka soo jeedisay Marwo Istahil Xirsi mahad oo xili dhaw katimid geeska Afrika.
Ugu danbayntii ayaa Waxaa halkaa lagu dhisay gudi hooyooyin oo matali doona dumarka magaalada Århus ee jaaliyada Somalida Ogadenya.
Gabagabadii shirka waxaa halkaa lagu daawaday cajalad aad uqiima badan oo kahadlaysa halganka ee jabhada wadaniga xoreeynta Ogadenia kula jirto gumeeysiga Itoobiya, waxayna sacab iyo mushxarad halmar ay isqabsatay markay soo galayn Ciidamada Jamhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya oo tababar ku qaadanaya Ciida Ogadenya iyo guutooyin ciidan ah oo u dhaqaaqay in ay bur buriyaan xarumaha Ciidanka humaysiga Itoobiya ku leeyihiin Dhulka Ogadeenya.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








