Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Feb 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Kenya Baarlamanka Kenya oo maanta ku kala qeybsamay codbixin ku aadan Jasiirada Magingo

Baarlamanka Kenya oo maanta ku kala qeybsamay codbixin ku aadan Jasiirada Magingo

E-mail Print PDF
Baarlamaanka ayaa maanta ku kala qeeyb samay codbbixin la soo hordhigay oo ku aadan muranka ka taagan Jasiirada Magingo
Xunbo uu hogaaminayo xildhibaan Bonny Halwale ayaa sheegay in sida hadalka uu u dhigay madxaweeynaha dalka Uganda uu yahay mid aan la aqbali Karin iyagoo dowlada ka dalbaday sharaxaad iyo jawaab ku saabsan hadalkaas oo u muuqday mid caay ah maadamaa uu arinta jasiirada ka dhaigay arin Jaluwa

Xubanah baarlamaanka ayaa caro ka muujiyay fara galinta ay ciidamada Uganda ku hayaan dhulka Kenya
 
Xildhibaanada la soo magacaabay ee Meli Odiyaambo ayaa ugu baaqday M/weeyne Mwai Kibaki in caawimaad ku aadan arintan uu weeydiisto golaha amaanka ee Q.M

Dooda mooshinkan ayaa dib la,isugu soo laaban doonaa arbacada soo socota maadama xubnaha baarlamaanka ee dhanka dowlada ay isaga baxeen kalfadhigii maanta kooromkii loogu tala galayna uu buuxsami waayay

Dhanka Kaled Wasxiirka cadaalada iyo arimaha dastuurka Mutula Kilonzo ayaa muujiyay baahida uu dalku u qabo in sida ugu dhaqsaha badan uu ku helo dastuur cusub.

Mutula ayaa sheegay in dastuurka cusub looga baahanyahay in uu wax ka qabto dib u habeeyn lagu sameeyo waaxda cadaalada ee dalka iyo arimo kale oo leeysku hayo

Kilonzo ayaa ugu baaqay gudiga ku hoowlan dib u eegista dastuurka in ay ku soo dhameeynaan hoowshooda dabayaaqaada sanadkan si ay gogosha ugu xaaran afti loo qaado dastuurka bisha may ee sanadka ee soo socda ee 2010

Wasiirka cadaalada Mutula Kilonzo ayaa ka hadlayay intii uu socday kulan ay lahaayeen warbaahinta dalka Wuxuuna hoosta ka xariiqay raadka Xun ee uu reebi karo hadii aan la Helin dastuur cusub
 

Ismail Haji Shakeeti
OgadenOnline, Nairobi-Kenya
Comments (1)Add Comment
0
...
written by UMUZAKI, June 06, 2009
WALAALAYAAL WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN SHACABKA OGAADEENYA,

WAXAAN FIGRAD AHAAN IDINKU DARSANAYAA IN AAD WARARKA QORAALKA AH

AAD FARTA YARA WAYNAYSAAN AMA CAPITAL KU QORTAAN.

GUUL IYO XORNIMO OGADEENYA, WAAD MAHADSANTIHIIN.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Thursday, 14 May 2009 01:02 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,