Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
May 23rd
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Kenya Odey dhaqameed lagu diley xerada Qaxootiga ee IFO

Odey dhaqameed lagu diley xerada Qaxootiga ee IFO

E-mail Print PDF

War naga soo gaadhey Xerada Qaxootiga ee IFO, Kenya ayaa sheegaya in Odey dhaqameed ka soo jeeda Ogaden lagu diley xerada Qaxootiga ee IFO. Dilkan ayaa dhacay maanta duhurkii xiliga Geeska Afrika. Marxuumkan oo aanan weli helin magacisa oo buuxa ayaa naloogu sheegay DUCAYSANE. Ninkan oo naloogu sheegay in uu ahaa Oday dhaqameed degenaa xerada Qaxootiga Ifo ayaa lagu dilay badhtamaha xeradaasi

Waxaa wadanka Kenya kus oo badanaya dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka wax garadka ee ka soo barakacay Ogaden, kuwaas oo haya warbixino lid ku aha xukumada Itoobiya.

Dablaydii dishay marxuumka ayaa ka baxsatay goobta ay falka ka gaysteen. Illaa hada cid loo qabtay ma jirto dadka dilkan qorsheysan ka dhex wada xeryaha Qaxootiga dhadhaab, lamana garanaayo cidda kadabmaysa dilalkan. Inkasta oo dadka badankoou ay farta ku fiiqayaan ciidamaa sirta ee dalka Itoobiya oo horey u fuliyey dilal qorsheysan oo ay ku qaadaan dad wax garad ah oo ka soo jeeda Ogaden.
 

Video Feed

Masuul kasoo goostay Liyu Poliska oo kawaramaya xasuuqa Ogadeniya kajira,,RX oo Wareysatey N/Hure Qari oo ka soo baxsadey Maleeshiyaa Liyu

Related Items