War naga soo gaadhey Xerada Qaxootiga ee IFO, Kenya ayaa sheegaya in Odey dhaqameed ka soo jeeda Ogaden lagu diley xerada Qaxootiga ee IFO. Dilkan ayaa dhacay maanta duhurkii xiliga Geeska Afrika. Marxuumkan oo aanan weli helin magacisa oo buuxa ayaa naloogu sheegay DUCAYSANE. Ninkan oo naloogu sheegay in uu ahaa Oday dhaqameed degenaa xerada Qaxootiga Ifo ayaa lagu dilay badhtamaha xeradaasi
Waxaa wadanka Kenya kus oo badanaya dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka wax garadka ee ka soo barakacay Ogaden, kuwaas oo haya warbixino lid ku aha xukumada Itoobiya.



