Magaalada Addiss Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa lasheegaya in Ciidamo Bolis ah iyo Mulatari farabadan lasoo dhoobay, askartan oo sida laxaqiijiiyay aad u hubaysan ayaa Jidadka taagan iyaga oo baadhaya Baaburta, Busaska ah, Taxi-yada, iyo xataa dadka Shacabka, Ilaa hada lama shaacin sababta dhabta ah ee ka danbaysa, balse waxaa jira Cabsi iyo Khakhal soo foodsaaray Xukuumada kaligii Taliye Zenawi oo ku aadan suurtagal nimada rabshado iyo iska hor imaadyo ka dhaca Magaaladaas iyo guud ahan wadankaasi.
Dadka ku nool Magaalada Addiss Ababa iyo Nawaaxigeeda kunool ayaa Cabsi wayn kaqaaday Ciidanka Faraha badan ee lasoodhabay guud ahaan Magaaladaasi, sidoo kale Mucaaradka Iyo Taageerayaashooda ayaa u arka in arintani tahay Xoog sheegasho iyo in Xukumada TPLF. tusayso Awoodeeda Ciidan , Iyadoo laga Baqayo Rabshada ka Dhasha Doorashada oo gaysta Khasaaro kabalaadhan kii kadhashay Doorasho kusheegtii tan kahoraysay oo ay ku naf waayeen in kabadan 200 oo qof.
Dhinaca kale waxaa jira walaac Siyaasadeed oo soofood saaray Jabhada haysa talada Maamulka Gumaysiga Itopia taasoo ah in Kooxaha Mucaaradka ahi Af gambiyaan.
Afhayeen u hadlay TPLF oo lagu magacaabo Tedros Hagos, ayaa sheegay inay heleen warbaxino la xadhiidhta hub aruursi ay ku jiraan Kooxaha Mucaaradka, Kooxaha Mucaaradka sheeganaya iyo Xubnahoodu waxay ku jiraan Hub Uruursi iyo is Qalabayn waxayna Taagera kahelayaan wadamo Shisheeye iyo Ururu isku sheegyo ayuu yidhi Af hayeenkaasi.
Waxay doonayaan inay qasaan Doorshada oo Rabshado ay sameeyaan taana waan ognahay ayuu hadalka sii raaciyay Afhayeenkaasi, Hadalkan ka soo yeeray Xukumada uu Hogaaminaya Zenawi ayaa sannad kahor la saadaaliyay in waxa Doorashada loogu yeedhayo ee Dalkaasi aysan Noqonayn doonin Mid si nabad Cadaalad, Iyo Demoqraadiyad ah ku dhacda.
Waxay sidoo kale xukuumada Kaligii Taliye Zanawi ay u Xambaarisay Eedayntan Dowladaha Reer Galbeedka Iyo Hay,ado aan Dowli ahayn kuwaas oo Mucaaradka Ku dhira Galinaya inay Rabshado sameeyaan, kaligii Taliye Zenawi iyo Kooxdiisi ayaa waayahan dambe si Xawli ah u luminayay Xidhiidhkii kala dhexeeyay Dalalka ree Gabeedka oo ahaa kuwa kaliya ee uu ktiirsanaa, waxaana kala fogaanshahani soodada jinayaa Burbur kuyimaada Gabi ahaanba Dalkaasi Fawdada kusii siqaya haatan.









