Wargaysa Indean Ocean ayaa qoray in uu soo kala dhex galay Khilaaf Genaralo Ciidan ah oo ka soo jeeda Qoomiyada Tigrega iyo Saraakii ka so Jeeda Xabashida Iyo Oromada, ay wasaarada Gaashaandhiga gumaysiga Itoobiya soo saartay Liis ah Magacyo dad Shaqada laga eryey oo ahaa Masuuliyiin Ciidan.
Masuuliyiinta Ciidan gumaysiga ee Shaqada laga eryey ayaa dhamaan ka soo Jeeda Qoomiyadaha Oromada Iyo Xabashida, Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay, balse wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in arrintan la xidhiidho khilaaf xoogaan oo waayahan ka jiray Ciidanka gumaysiga Dhexdiisa.
Xubaha Ciidamada ee Shaqada Laga eryay oo Dhanaa 20 ayaa waxaa ka mid ahaa Sida uu Journalka Qoray Colonel Geremew, Major Girma Haile Mariam,Tefera iyo Maseresha.
Qoomiyada Tigreega oo 6% ka ah Dadka ku nool Itoobiya ayaa guud ahaan gacanta ugu jirtaa Maamulka Ciidanka Iyo Dalka Ethiopia










Saturday, 21 May 2011 22:33
Jigjiga(CakaaraNews)Waxaa hubaala in aynu ogsoonahay falalka waxashnimada dugsanaya ee ay UBO u gaystaan shacabka DDS kana wada dheregsanahay gumaadyada ay qawlaysatada ina cumar-dacay iyo bahwadaagtiisa awr-kiraalayaasha u ah eriteria u gaysteen shacabkii birimagaydada ahaa sida odoyaasha, ugaasyada, suldaamada, culumaaudiinka, haweenka iyo da'yarta soo koraysayba.
Hdaba miyaynan inala gudboonayn in aynu ka tiiraanyoono kana Gilgilano ku sii daawashada falalka waxashnimada huwan ee ay bulshada kula tacaalayaan qawlaysatada ina cumar dacay iyo
bahwadaagtiisii Dilka Shacabka DDS iyo ka ganacsiga Dhiigga Da'yarteena soo koraysay ee anfici lahayd waalidkood iyo dalkaba?
inoogan meel fog ka doonin jawaabta waa xaqiiq dhaxal-gal ah in aynu badbaadinta shacabka iyo jiritaankeena qaran-umadnimaba si ficil ah ku samarsiino Awrkiraalayasha Eriteria ee ina cumar Dacay iyo bahwadaagtiisu kaga ganacsanayaan daadinta dhiigga shacabkeena garab istaagnana guulaha lagu diirsaday ee ay ka soo hooyeen tirtirida bahwadaagta Ganacsi ee Awrkiraalayaasha Ina cumar-Dacay Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-Booliska.
Hadaba Mid ka mida Falalka Waxashnimada huwan ee ay UBO ku waalid Tirtay Caruur Badan ayaynu bal maanta ku eegaynaa Ardayda Agoonta ah ee ku xaraysan Dugsiga hooyga Ardayda Agoonta Jigjiga ee ay Waalid Tireen.
Bilawgii Sanad-Dugsiyeedkan ayaa Kulan ay yeesheen Golaha Capinetka DDS ay ku ansaxiyeen Miisaaniyada Dhismaha 2 Dugsiga Hooyga Ardayda Agoonta ay UBO waalid tirtay lagana kala dhiso Magaalada jigjiga iyo fiiq sidoo kalana la ansaxiyay miisaaniyad-sanadeedkii mushaarka macalimiinta iyo hawl-fulintoodiiba.
hadaba bal aynu wada dhugano muuqaalka warbixin aanu ka soo Qornay Maanta Mar aanu booqanay Dugsiga Hooyga iyo Xanaanayna Agoonta Ay Waalid-tireen UBO ee Jigjiga,xiligaas ayaa ay ardaydu Qaadanayeen Cashar-maalmeedkoodii waxbarasho ee loogu talo Galay oo ay bixinayeen Macalimiin Tayadoodu aad u heersarayso,Halka arday kalana ay ku sugnaayeen Garoonka Ciyaaraha ee Dugsiga kuna qaadanayeen Xiisadoodii Sportiga.
Maamulaha Dugsiga Mudane Bashiir Aadan Xaashi oo aanu wax ka waydiinay xaaladda waxbarasho iyo heerka fasalada ay dhigtaan ardaydu ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisii ugu horayn anigoo Faruurta Qaniinsan kana Gilgilanaya Caruurtan ay UBO waalid tirtay una mahadcelinaya xukuumadda DDS oo aqoonsatay Kaalmada iyo taageerada dawlaadnimo ee ay caruurtaani u baahanyihiin
Sababtayna in maanta ay jiraan 2 dugsi oo loogu talogalay xanaanaynta iyo waxbarashada iyadoona ayuu yidhi Dugsiga Jigjiga Wax lagu Baro laguna Xanaaneeyo Ubadka ay UBO waalidtireen oo ay Dhigtaan Arday dhan 410 oo kala ah wiilal 275 halka Gabdhuna ka yihiin 35,Ubadkan agoonta ah ayaa laga kala keenay Degmooyinka Gobolada Dh/buur,Wardheer,Qoraxeey,Godey,Afdheer Iyo Jigjiga.
Mudane bashiir oo sii guda jiray warbixintiisii dugsiga hooyga agoonta ee jigjiga ayaa uu tibaaxay in waxbarashada dugsigan lagu bixiyo ay ka kooban tahay Heerarka D/Hoose,Dhexe iyo Sare halka ayuu yidhi ay kaga duwan tahay waxbarashada Dugsiyada caadiga laga bixiyo maalmaha waxbarashada iyo Manhajkaba sida Maalinta sabtida oo ay iskuulada caadigu fasax yihiin Dugsiga hooyga iyo xanaanaynta Agoonta Jigjiga waanu dhignaa dhinaca manhajka mar uu ka hadlayayna waxa uu carabaabay in Buuga Casharaka laga Bixiyo oo ay Dugsiyada Caadiga ahi ku Dhameeyaan 1sano Dugsiga hooyga aanu ku Dhamayno 6bilood iyo 15bari xiisadahayaguna yihiin 50 daqiiqo midiiba.
Mudane bashiir ayaa ku ladhay hadalkiisii in Dugsiga Hooyga iyo Xaanaynta Ardayda Agoonta Jigjiga ee ay waalidtireen UBO labada Galinba Waxbarashadu Si caadi Ah u socoto iyadoona ayuu yidhi sanadkan ay 93 arday oo ka mida u Fadhiisan Doonaan
Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad.mar uu ka hadlayay Macalimiinta wax ka dhigta dugsigan ayaa uu carabaabay in macalimiinta wax ka dhigta Dugsiga hooyga Jigjiga ay heerkooda aqooneed yihiin Diploma iyo Degree iyadoona La Siiyo Lacag Dheeri ah oo aan mushaarkoodu ku jirin(Incentive) sidoo kalena Loogu talo galay macalimiinta Service iyo refreshments.
Mudane Bashiir ayaa ku Soo Gabagabeeyay in Dugsiga Hooyga Iyo Xanaanaynta Caruurta UBO Waalid Tirtay ee Jigjiga Si xilkasnimo Iyo wadaninimo Ku Dheehan Tahay Loola macaamiloodo lagana taxadaro Cuntadooda,Nadaafadooda iyo Waxbarashadoodaba iyadoona ayuu yidhi ay ku jiraan caruur dad'doodu u dhaxayso 10 ilaa 8 jir halka ay fasalada waxbarashaduna yihiin Fasalka 0 ilaa fasalka 8aad.
Ugu Danbayntii ayaanu ku soo koobaynaa in Dugsiga Hoose,Dhexe iyo Sare ee Hooyga iyo Xanaanaynta Caruurta Agoonta Jigjiga ay waxbarashadiisu si Heer Sare ah u Socoto Cuntaduna Tahay Mid Nafaqadeedu isku Dheelitiran tahay Halka Qolalka Jiifkuna
Ay la Mid yihiin Sariiraha Jaamacadaha Dalka.